4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Jaamacadaha Banaadir iyo Makerere oo iska kaashanaya taqasusaad gaar ah


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayay wafdi Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha ka socday ayaa Muqdisho lagu qabtay, taasoo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliya ka jira.

Waxaa munaasabaddan ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xigeenka qorsheynta Qaranka Prof. C/llaahi Sheekh iyo wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha Cabdikaafi Macallin iyo qaar ka mid ah maamulka, macallimiinta iyo ardayda wax-ka-barta jaamacadda Banaadir, wafdi shan xubnood ka kooban oo ka socday jaamacada Makerere iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadallo furitaan ah ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xafladdan ay tahay mid lagu soo dhaweynayey wafdi ka socda Jaamacada Makerere ee Ugandha oo uu sheegay inay marti u yihiin Jaamacadda Banaadir.

“Soo dhaweynta kaddib waxaa farxad ah inaan maanta halkan ku qabanno bandhigida mashaariic cusub oo ay iska kaashanayaan labada jaamacadood ee Banaadir iyo Makerere, kuwaasoo ah sadex taqasus oo ku cusub dalka ka billaabi doona, kuwaasoo kala ah; qaybta masterka ee (IT) ama Computer Sciences oo Soomaaliya oo dhan aan ka jirin, kaasoo ay inoo suuro-gashay in anagoo la kaashaneyna Jaamacadda Makerere aan aan hadda billowno, sidoo kale waxaa ka mid ah (Bussiness Adminstaration Master iyo Puplic Adminstaration),” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dr. Dalmar ayaa intaas ku daray in wafdiga ka socda Jaamacadda Makerere ay Muqdisho u joogaan diyaarinta manhajka lagu qaadan doono taqasusyada cusub oo uu sheegay iney billaabi doonaan bisha Sebtembar ee soo socota, ayna u furan yihiin ardayda doonaysa inay  ka faa’iideystaan.

“Wafdiga Jaamacadda Makerere waan uga mahad-celinaynaa booqashada ay noogu yimaadeen iyo waqtigooda qaaliga ah ee ay noo hureen, waxay nala joogi doonaan hal toddobaad, iyagoo nala diyaarin doona manaajihta lagu qaadan lahaa mashaariicda waxbarasha ee labada Jaamacadood ay iska-kaashanayaan, sidoo kale muddada ay joogaan waxay tababarro ka siin doonaan macalimiinta Jaamacadda Banaadir arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida duruusta loo diyaariyo, sida ardayda loosoo jiito, sida imtixaanada loo qaado iyo waxyaabo kale si tayada Jaamacadda loo kordhiyo,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha jaamacadda Banaadir.

Sidoo kale, Mohamed Ingoma oo hoggaaminaya wafdiga ka socday Makerere University oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin socdaalka gaaban ee ay ku yimaadeen Muqdisho, isagoo maamulka Jaamacada Banaadir uga mahad-celiyey sida diirran ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen.

“Xiriirka iskaashi ee dhexmaraya jaamacadaha Banaadir iyo Makerere waa mid sii xoogaysanaya, waxaana u bogaadinayaa horumarka waxbarashada ee ay ku talaabsatay Jaamacada Banaadir, waxaana diyaar u nahay inaan joogteyno xiriirkeenna, dhawaana waxaan soo diraynaa macalimiintii bixin laheyd taqasusyada cusub ee aan maanta shaacinay,” ayuu yiri Mohamed Ingoma.

Prof. Cismaan X. Maxamuud Dufle oo ka mid ah asaasayaasha Jaamacadda Banaadir ahna xubin ka tirsan baarlamaanka Somalia oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: “Taqasusyada ay illaa hadda iska kaashadeen jaamacadaha waxay marayaan afar kuwo kalena qorshaha ayay ku jiraan taasina waxaan dhihi karnaa waa guul weyn oo aanu wada gaarnay.”

Waxaa sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey munaasabadda gudoomiyaha mu’asasadda Jaamacadda Banaadir, Dr. C/llaahi Bushkuleeti oo sheegay in uu ku faraxsan yahay furitaanka taqasusyada cusub, isagoo jaamacadda Makerere uga mahad-celiyay gacanta ay ka geysatay, wuxuuna ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada jecel ugu baaqay inay ka faa’iideystaan.

Ugu dambeyn waxaan munaasabadda ka hadlay, Prof. C/llaahi Sheekh iyo C/kaafi Macallin oo ka socday dowladda Soomaaliya iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin kulanka lagu casuumay ee lagu soo bandhigay taqasusyada cusub.

Prof. Cabdullaahi Sheekh oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa si gooni u sheegay inuu ka mid ahaa macallimiinta Jaamacaddii hore ee ummadda oo ay wax kusoo barteen aqoonyannada aasaasay Jaamacadda Banaadir.

“Bahda waxbarashada Soomaaliyeed waxaa sharaf u ah xiriirka sii xooggan ee ka dhexeeya Jaamacadaha Banaadir iyo Makerere ee dalka Ugandha oo ah jaamacadda ugu weyn Qaaradda Afrika, waa sumcad, waana wax lagu faani karo, waxayna horseedi kartaa inay jaamacado kale oo caalami ah dalka yimaadaan,” ayuu yiri Prof. C/llaahi Qaloocoow oo u balan-qaaday Jaamacada Banaadir inay u soo gudbin doonaan wixii tababarro ah ee looga baahdo wasaaradaha dowladda iyo diyaarinta mashaariicda dib u dhiska dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya