4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
LIBYA: 90% diyaarado fadhiyey garoonka Tiriboli oo duqeyn lagu burburiyey


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Xukuumadda Liibiya ayaa shaacisay in duqeyn goor hore oo saaka ah loo geystey garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah ee Tiriboli ay keentay in ay burburaan 90% diyaaradihii xilligaas garoonka fadhiyey.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Liibiya oo lagu magacaabo Axmad Al-amiin ayaa sheegay in sidoo kale uu khasaare soo gaarey, qaybaha socdaalka, farsamada iyo keydka shidaalka ee garoonka.

Al-amiin ayaa intaas raaciyey in waqti dheer iyo weliba malaayiin doolar loo baahan doono si dayactir loogu sameeyo diyaaradaha uu duqeyntaas khasaaruhu kasoo gaarey.

Cidda duqeynta geysatay mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in ay yihiin mileeshiyo beeleed ku kacsan mileeshiyo kale oo lagu magacaabo kacdoon-wadeyaasha Zintaan oo iyagu xilligan garoonka Tiriboli maamula.

Shira aan caadi ahayn oo maalinimmadii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Liibiya, ayaa laga soo saaray go'aamo dhowr ah, waxaana kamid ahaa in la dalbado faragelin militeri oo caalami ah si xaaladda loo dejiyo.

Qaramada Midoobay ayaa bilowday Isniintii shalay in ay shaqaalaheeda ka daad gureysato dalka Liibiya, kaddib markii ay soo xumaatay xaaladda ammaan ee magaalooyinka Tiriboli iyo magaalada kale ee Banqaazi oo iyadu bariga dalkaas ku taalla.

Tan iyo markii meesha laga saaray dowladdii uu hoggaminayey Mucammar Al-qaddaafi, waxaa kasoo daraysay xaaladda ammaan iyo midda dhaqaale ee dalka Liibiya. Fowdada iyo nidaam la'aanta dalkaas ka jirta waxaa hormuud ka ah mileeshiyaadkii hubeysnaa ee ka qayb qaatay kacdoonkii uu dhiigga badani ku daatay ee lagu ridey xukunkii Kol. Qaddaafi.

Xigasho: AL-JAZEERA

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya