4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Dagaal khasaare balaaran geystay oo mar kale ka dhacay deegaanka Deefoow

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Subaxnimadii hore ee saakay ayaa mar kale waxaa uu dagaal culus ka dhacay deegaannka Deefoow oo 35-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne, kaddib markii ay weerar kuqaadeen garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda.

In ka badan 11 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay dagaalka saakay dhacay, waxaana la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne dhaawaca 18 ruux oo qaarkood halis ah.

Ku dhawaad Lix ruux oo ka tirsan dadkii ku soo dhaawacmay dagaallka ayay diyaarad ka qaaday garoonka magaalada Beledweyne si loogu soo daweeyo magaalada Muqdisho.

Deegaannka lagu dagaallamay ayaa la sheegay in ay gudaha u galleon isla markaana la wareegeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday oo meelaha qaar dab qabadsiiyay, waxaana hawada ka maqan is-gaarsiintii deegaannka oo la jaray.

Wararka laga hellay deegaannada ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa Deefoow dhowr jiho u kala firxadeen iyaga oo ka baqdin qaba wax yeello ka soo gaarta dagaalka.

Iska-horimaadka saakay dhacay ayaa daba socda dagaal horay u dhaxmaray labada beellood, waxaana muuqaneysa in uu fashil ku dhacay dadaalo nabadeed oo ay wadeen odayaal iyo waxgarad ku howlanaa siddii loo joojin lahaa colaada labada dhinac.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa dhawaan ku baaqay in la joojiyo dagaallada wixii khilaaf ah ee jirna lagu dhameeyo hab nabadeed iyo wada-hadal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya