4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Baarlammaanka Puntland oo meel mariyey Xeerka Gaadiidka Xamuulka


Guddoomiyaha Baarlammaanka P/land, Siciid Xasan Shire

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Baarlammaanka Puntland ayaa maanta meelmariyey Xeerka Gaadiidka Xamuulka, xeerkaasoo horay baarlammaanku uu xukuumadda dib ugu soo celiyey, kaddib markii uu goluhu u arkay in uu caqabad ku yahay bulshada.

Guddoomiyaha Baarlammaanka Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday cod gacan-taag ahaa oo loo qaaday meel marinta Xeerka Gaadiidka Xamuulka.

Mudane Shire ayaa tilmaamay in kulanka baarlammaanka ee maanta ay 35 xildhibaan soo xaadireen, 22 kamid ah ayaa xeerka ogolaaday 11 xildhibaan way diideen halka labo xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.

Xeerkan oo ay ku jiraan qodobbo dhowr ah oo si gaar ah u taabanaya mulkiilayaasha gaadiidka xamuulka iyo shirkadaha birta culus lasoo dega, waxay u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in la ilaaliyo bed-qabka jidka dheer ee isku xira gobollada Puntland.

Qodobada xeerkan ku jira ee horay baarlammaanku uu gaashaanka ugu daruuray waxaa kamid ahaa: noocyada gaadiidka xamuulka ee la ganaaxayo, lacagta ganaax ahaanta loo qaadayo iyo weliba cidda lacagtaasi si toos ah khasnadeeda ugu dhacayso.

Baarlammaanka ayaa qodobadaas dhammaantood wax ka bedeley. Xeerku horay wuxuu u dhigayey in la ganaaxo dhammaan baabuurta xamuulka, waxaase lagu soo koobay baabuurta xamuulka ee shirkadaha oo qura, lacagta oo ahayd halkii km hal doolar waa la dhimay, waxaa sidoo kale uu baarlammaanku diidey in lacagta ganaaxu ay si toos ah ugu dhacdo khasnadda Hay'addda Waddooyinka ee Puntland.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu celiyey xeerkan Golaha Wakiillada, isagoo ka codsaday inay meel mariyaan maadaama haddii si dhaqsaha aan lagu dhaqa gelin uu caqabad ku noqon doono dayactir la qorsheynaya in lagu sameeyo jidka laamiga ah ee isku xira gobollada Puntland.

Maalinta berri ah waxay xildhibaannada Baarlammaanka Puntland ka doodi doonaan Xeerka Saxaafadda, xeerkaas oo dhowaan ay Wasaaradda Warfaafintu soo gudbisey balse Ururka Saxafiyiinta Puntland uu ka biyo diidey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya