Maxkamada Ciidamada oo Toogatay laba ruux oo dilay Gabar Ardayad ahayd


Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka laba wiil oo degmada Yaaqshiid ku dilay bishii Abriil ee sannakan, Nafiso Cismaan Salaad oo 20-jir ahayd kana baxday mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ku yaalla.

Labadan wiil oo ahaa dhallinyaro ayaa waxay ka tirsanaayeen Al-shabaab, iyagoo qirtay dambiga dilka gabadhaas ardayadda ah oo ay gurigeeda kala baxeen xilli habeen ah ayna ku hor-toogteen waalidkeed iyo walaalaheed.

Xasan Maxamad  Cabdi iyo Shaafici Cabdi Xirsi ayaa waxaa xukun dil ah ku ridday mxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu xukumay haweeney lagu magacaabo Deeqo Dirac oo ay sheegeen inay caawin jirtay xabsi sannado badan ah.

Xukunkan ayay rafcaan ka qaateen eedeysanayaashan maanta la toogtay, balse maxkamadda rafcaanka ayaa mar kale ku ridday xukun dil ah, iyadoo dilkana lagu fuliyay maanta oo Talaado ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cali Yarow oo ka hadlay goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in wiilashan maanta la toogtay ay maxkamaddu xukunka ku ridday, maanta lagu fuliyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada ay dilal noocan oo kale ah ku fuliso gacan ku dhiiglayaal dilal geystay, iyadoo horay dilal loogu fuliyay askar ka tirsn ciidamada dowladda iyo xubno kale oo Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu helay dilal ay geysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya