4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2014
Dab Khasaare Fara badan Geystay oo Xalay ka Kacay Suuqa weyn ee Wadajir

Talaado, July 15, 2014 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir, iyadoo ay ku gubteen dambkaas dukaammo ganacsi, inkastoo lagu guuleystay in la baqtiiyo dabkaas isla xalay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed C/lle Afrax oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabku uu k dhashay koronto uuna geystay khasaare aad u fara badan.

“Xalay saqdii dhexe ayuu dabku kacay, nasiib-wanaagna khasaarihiisu wuxuu ku ekaa mid hantiyeed oo ma geysan khasaare nafeed, waxaana ku guuleysatay inay dambiyaan dabkaas, dadweynaha iyo maamulka gobolka iyo kan degmada Wadajir oo iskaashanaya,” ayuu yiri Afrax.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in goobaha ganacsi ee gubtay ay isugu jiraan makiinadaha saliidda, dukaamo lagu iibinayay raashinka kala duwan, kuwo lagu iibinayay miraha dalka ka baxa iyo goobo kale oo ganacsi.

“Inkastoo aan hayn qiyaasta khasaaraha uu dabka geystay haddana wuxuu geystay khasaare hantiyeed oo baxaad leh, waxaana ganacsatadii hantida lahaa leeyahay Alle wax ka khayr badan ha idin kugu bedelo,” ayuu intaas ku daray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Axmed Cabdulle Afrax oo sii hadlayay ayaa sheegay in dambinta dabka ay ka qaybqaateen maamulka gobolka Banaadir, ciidamada AMISOM, Turkiga iyo shirkadda Hormuud oo uu sheegay inay ku kala deeqeen gaadiidka dabka dambiya iyo baallayaasha lagu xaaqo dabka si aanu goobo kale ugu fidin.

Mar uu ka hadlayay ammaanka ayuu sheegay inaysan jirin wx amni-darro ah oo dhacay intii ay socotay howsha dabka lagu daminayay, isagoo xusay inay caqabad weyn kala kulmeen oo jidadka oo aan ahayn kuwo ciriiri ah, taasoo uu sheegay inay sababta in dabku uu khasaare badan geystay.

Waa markii ugu horreysay oo dab khasaare intaan le’eg geysta oo suuqa weyn ee degmada Wadajir ka kaca, iyadoo guddoomiyaha degmadaas uu sheegay in howlaha suuqa ay si caadi ah u sii socon doonaan maanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya