4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Spain (SAWIRRO)


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kula kulmay magaalada Madrid ee caasimadda Spain dhiggiisa dalkaas, José Manuel García-Margallo oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay arrimo muhiim u ah labada dal, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen taageeridda hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood yeeshaan iyo la-dagaalanka argagaxisada.

Wasiirrada ayaa kulanka isku dhaafsaday aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo is-bedelada ah ee dalka Soomaaliya ka jira xilliga, kuwa gobolka ka jira iyo kuwa kale ee caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, Bayle ayaa kulan gaar ah la yeeshay, agaasimaha Afrika, Aasiya iyo Yurubta galbeed ee wakaaladda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Spain (AECID), Alberto Virella, iyagoo kulanka kaga hadlay fulinta mashaariic horumarineed, la-dagaalanka saboolnimada iyo dajinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax-wadaagga labada dal.

Mudane C/raxmaan Ducaale ayaa dhanka kale kaga qaybgalay magaalada Madrid kulan dood-wadaag  ah oo su’aalo lagu weydiiyay , kaasoo ay lahayd qaban-qaabadiisa xarunta cilmi-baarista dalka Spain ee Think Tank.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale ballaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya caalamka, iyo urur-goboleedyada caalamiga ah, si caalamku u arko hannaanka isbedel, ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee Soomaaliya ay rajeynayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya