4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Bandow caawa lagu soo rogay degmada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe

Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa caawa lagu soo rogay bandow soconaya illaa waaberiga berri, iyadoo ciidammo Soomaali ah lagu arkayo goobo kala duwan oo degmadaas ka tirsan.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada xoogga dalka ee Jowhar, Ibraahim Yuusuf ayaa u sheegay warbaahinta in bandowga oo 5:00 galabnimo ee maanta billowday uuna soconayo illaa berri aroorta hore.

Sidoo kale, taliyaha ayaa bandowga ku sheegay inuu qayb ka yahay qorshe ciidamadu ay ku adkeynayaan ammaanka degmada, wuxuuna ka codsaday dadweynaha inay la shaqeeyaan ciidamada.

Bandowgan ayaa ka dhaqan-galay caawa degmada Jowhar, iyadoo hakad ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka, xaafadahana lagu arkayo ciidammo badan oo ilaalo ah.

“Tani waa qorshe aan ku doonayno inaan amniga Jowhar sugno, waayo falal amni-darro ayaa dhawaan degmada ka dhacay, howlgalkuna waa soconayaa inta amniga laga sugayo,” ayuu yiri Ibraahim Yuusuf.

Ma sheegin taliyuhu waqti cayiman ama maalmo uu soconayo bandowgan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo dhawaanahan lagu soo rogo degmadaas oo dhawaan lagu dilay askari ka tirsan kuwa canshuuraha laguna dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha dowladda hoose ee degmadaas.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca Waqooyiga kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Shabeellada Dhexe oo sannadihii ugu dambeeyay ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya