4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Al-shabaab oo mar kale weerartay deegaan ka tirsan Jasiirada Lamu ee Kenya

Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay mar kale weeraray xalay deegaan ka tirsan jaziiradda Laamu ee Kenya, laakiin ma jiro khasaare naf oo uu sababay weerarkaas.

Deegaanka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Maandha, iyadoo kooxahan oo watay dooni kana soo galay dhinaca badweynta Hindiya ay rasaas aad u badan ku fureen, taasoo gubtay mid ka mid ah guryaha ku yaalla deegaanka sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa laga soo xigtay in kooxahan hubeysan ay u sheegeen inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayna sii wadi doonaan weerarrada inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin Somalia.

“Kooxahan waxay wateen doonni, waxayna rasaas nagu fureen rasaas aad u fara badan, argagax ayay na geliyeen, waxay gubeen guri, waxayna nagu war-geliyeen inay weerarrada sii wadi doonaan,” ayuu yiri goobjooge ka mid ah dadka ku sugan deegaankaas oo jasiirad ah.

Deegaankan xalay la weeraray ayaa wuxuu ka mid yahay deegaannadii ay ku muran sanaayeen Soomaaliya iyo Kenya xilligii dalkaas uu xorriyadda ka qaadanayay Ingiriiska 1963-kii, waana deegaan ay daggan yihiin muslimiin.

Xorriyadda kaddib ayaa waxaa deegaannadaas lagu beeray dad Kenyan ah oo laga daad-gureeyay gobollada kale ee Kenya, iyadoo Al-shabaab ay inta badan beegsanayeen deegaannada beeraleyda Kenyaanka ah lagu beeray.

Maandha oo ah deegaankii ugu dambeeyay ee xalay ay weerartay kooxda Al-shabaab ayaa wuxuu ku dhow yahay deegaanka Raaskambooni, lamana oga illaa hadda halkii ay aadeen kooxihii weerarkaas ka dambeeyay oo diini watay.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ciidamada Kenya ay howlgallo kawadaan soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo ay ku tuhunsan yihiin inay tahay goobaha ay kasoo tallaabaan xoogagga  weerarka ka geysta Kenya ama ay ku dhuuntaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya