4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Dowladda Turkiga oo la baxday Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka joogay Magaalada Muqdisho


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay Turkigu hakiyeen mashaariicdii ay ka wadday Muqdisho sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in la beegsado shaqaalahooda ayaa haddana waxaa soo baxay in qaar ka mid ah shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho ku sugnaa laga dhoofiyay  ayna gaareen Turkiga.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in 200 oo ka tirsan shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho ku sugnaa uu kala baxay, kuwaasoo haatan dib loogu celiyay dalkooda.

Nuur Bukaari oo ah wariye Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka howlgla in shaqaale Turki ah oo gaaraya 200 oo qof ay gaareen Turkiga.

Sidoo kale, wariyaha ayaa intaas ku daray in sababta loo maleynayo xaalada amni ee ka jirta Muqdisho Soomaaliya iyo cabsi kasoo wajahday in Al-shabaab ay bartil-maameed u noqdaan.

“War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxay ugu baaqday shaqaalaha Turkiga ah ay kasoo baxaan Soomaaliya, sababao la xiriira ammaanka oo aan wanaagsanayn iyo xilliga fasaxa Ramadaanka oo lagu jiro,” ayuu yiri wariye Cumar Bukhaari.

Bukhaari ayaa intaas ku daray in dowladda Turkiga ay shaqaale kooban uga tagtay Somalia, kuwaasoo sii wadi doona howlaha lagama maarmaanka ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.

“Duulimaadyo ay maalmahan sameynaysay diyaaradda Turkish Arilines ayaa shaqaalahan looga soo saaray Soomaliya, sida ay sheegayaan wararka laga helayo wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga,” ayuu wariyuhu hadalkiisa ku daray.

Tallaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo xukuumadda Turkiga ay kaga saarto tiro intaan le’eg oo shaqaalahooda ah Somalia tan iyo markii ay howlaha gargaarka iyo dib u dhiska ah ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2014-kii.

Dowladda Somalia iyo dowladda Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin in shaqaalaha Turkiga ah ee Muqdisho ku sugnaan qaarkood cabsi awgeed looga saaray Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya