4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Xubno ka socday Qaramada Midoobay


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay xiriiriyaha barnaamijka la-dagaallanka dambiyada ka dhaca badaha, Alan Cole iyo ku-xigeenka hay’adda QM ee ka hortagga maandooriyaha iyo dembiyada ee Soomaaliya UNODC, Francesco Caonero.

C/weli Gaas iyo xubnahan ayuu kulankoodu k dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, iyadoo ay ku weheliyeen kulanka wasiir-u-dowlaha madaxtooyada ee xiriirka gobollada iyo saraakiil ka tirsan kale.

Gaas ayaa u sheegay mas’uuliyiinta uu maanta la kulmay in Puntland ay u baahan tahay in laga taageero dhismaha xabsiga Garoowe iyo Gaalkacyo, dhamaystirka iyo dayac-tirka xabsiga weyn ee Boosaaso, tababaridda ciidamada maamulka iyo in gacan laga siiyo biyaha xabsiyada.

Sidoo kale, saraakiisha Qaramada Midoobay ka socday ayaa dhankooda sheegay kulanka kaddib inay ka taageerayaan Puntland gabi ahaan baahiyaha dhanka xabsiyada ah ee uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC ayaa Puntland ka taageera dhismaha xabsiyada iyo ka hortagga dambiyada waxaana kulankani uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo saraakiil ka socda xafiiskan iyo madaxda Puntland dhexmara, tan iyo markii askari ka tirsan ciidanka ilaaliya garoonka Gaalkacyo uu ku dilay 07-dii bishii Abriil ee sannadan laba sarkaal oo ka tirsanaa hay'addan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya