4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Xubno Keenyaan ah oo la Shaaciyay inay ka Dambeeyeen Weerarradii Xeebta

Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in laba nin oo Keenyaan ah la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarradii dhawaan ka dhacay deegaanada xeebta ku yaalla ee dalkaas, kuwaasoo lagu dilay in ka badan 90-qof.

War ay soo saareen sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in Idris Kimau iyo Abuu Jamaal ay horkacayeen weerarradaas oo dhawaanahan si joogto ah uga dhacayay deegaanno ku yaalla Lamu oo ay ka mid tahay Mpeketoni oo ay ku dhinteen 63-qof, kuwaasoo ay sheegatay mas’uuliyaddooda kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale, sirdoonka ayaa warbixintooda ku shaaciyay in Abuu Jamaal uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Kenya, laakiin uu muddooyinkaan dambe ku xirnaa Xarakada Al-shabaab.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska The Standard ayaa sidoo kale lagu xusay in Idris Kimau uu kaalin weyn ku leeyahay weerarrada ay fulinayso Al-shabaab, uuna ka soo jeedo qowmiyada Kikuyada ee dalka Kenya.

Isla warbixinta ayaa lagu sheegay in Idris Kimau uu iminka ku sugan yahay deegaanka Boni oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, halkaasoo ah goobta ay weerarrada ka dhacaya gudaha dalkaas kasoo abaabulaan.

Sirdoonka ayaa iftiimiyay in Abuu Jamaal iyo dagaalyahanno la socoto ay ku howlahan yihiin iminka weerarro ka dhan ah deegaanno ka tirsan Magaalada Mombasa oo ah gobolka xeebta Kenya ku yaalla, halkaasoo muslimiinta ku Kenya ay u badan yihiin.

Dadweynaha ku nool deegaanno ay ka mid yihiin; Milindi, Ijara iyo Garsen oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay inay ka feejignaadaan weerar kaga imaan kara xoogga taabacsan Al-shabaab.

Macluumaadkan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay sirdoonka Kenya baahiyaan, waxayna arrintan imaanaysaa xilli mucaaradka Kenya uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha weerarrada ka dhacaaya gobolka xeebta ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya