4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Guddoomiyaha Wargeyska Madax-bannaan ee HAATUF oo ka hadlay Cafiskiisii

Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay inaanu waxba kala socon sababta loo siidaayey iyo cafiskii uu madaxweynuhu u sameeyey toonna, isla markaana aanu isagu codsan wax cafis ah ee uu ku adkaysanayey racfaankii uu ka qaatay xukunkiisa.

Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu ku dooday inuu halkii  ka sii wadi doono difaaca xoriyatul-qawlka, kaas oo xussay inay lagama maarmaan tahay in la dabbaqo xeerka Somaliland ee dhaqangalka ah oo ka digay inay xukuumadda iyo garsoorkuba ka warwareegaan.

“Run ahaantii garan mayno sababta keentay sii dayntayada wakhtigan sababta oo ah markii horeba sharci daro iyo cadaalad daro ayaa nalagu xidhay oo albaabada loogu laabay xaruntii guud ee Wargeysyadda Haatuf iyo Somaliland Times, mida kale ma jirto wax cafis oo aanu dalbanay ee anaga arrintayadu waxay maraysay oo aanu hore xukunkii noogu dhacay uga qaadanay Rafcaan, arrintayaduna halkii ayey maraysaa oo Rafcaankii aanu xukunkayaga ka qaadanay ayaanu wali ku taaganahay”ayuu yidhi gudoomiyaha wargeyska Haatuf Gaboobe oo markii xabsiga laga soo daayey ka hadlayey sababta uu madaxweynuhu u cafiyey.

“Waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin sheego inaanan haba yaraatee ka fadhiisan doonin hawlaha madaxbanaanida Saxaafada iyo in la Dabbaqo xeerka saxaafadda Somaliland oo run ahaantii ah ka ugu mihiimsan ee waxkasta oo jira ka culus wakhtigan, markaa in la dabbaqaa waa lagama maarmaan xeerka saxaafadda mana ogolaanayno in laga warwareego  maadaama oo uu xeer dhaqan gal ah yahay oo sharci ah, waxaanu dedaal iyo juhdi galin doonaa in xukuumadda iyo garsoorkuba ay ku dhaqmaan xeerka saxaafadda Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale Xoghayaha ururka saxaafadda ee SOLJA Md Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa tafaasiil ka bixiyey sababaha soo dadajiyey xadhiga Guddoomiyaha Haatuf oo uu sheegay inay keeneen culays badan oo Madaxwayne Siilaanyo ay saareen Midawga Yurub iyo dawladda Britain oo ku khasbay xukuumaddu inay sii dayso Yuusuf Cabdi Gaboobe, wargeyskayada xayirana ay xayiraada ka qaado.

“Anigu waxa aan halkan ka sheegayaa oo kaliya in madaxwaynaha ay ku khasbeen Midawga Yurub  iyo dawladda Ingiriiska ee socdaalka imika ku tagay inuu sii daayo Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, markaa culayskaas ayaa ku kalifay in la sii daayo”ayuu yidhi xoghayaha ururka SOLJA oo ka hadlayey siideynta gudoomiyaha Wargeyska Haatuf.

“Bari maahee saadanbe waxa dalka imanaya waftigii ugu balaadhnaa Midawga Yurub oo  u imanaya arrinta Yuusuf Cabdi Gaboobe, markaa ugu danbeyn waxaan leeyahay way mahadsan yihin dhamaan dadkii ka qaybqaatay arrintan ee ka soo horjeedsaday tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa saddex sanno ku xukuntay gudoomiyaha wargeyska Haatuf, halka Tifaftirihii wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige ku xukuntay afar sanno oo xadhig iyo sidoo kale rusqaddii oo lagala noqday wargeyskii, arintaasi waxay keentay in xukuumaddu beesha calamka kala kulanto cambaareen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland