4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo gaaray Addis Ababa iyo Saameynta Soohdinta Xiran


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay si diiran loogu soo dhoweeyey madaarka Bole International ee Addis Ababa, kaas oo ay kaga hor yimaadeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dalkaasi.


Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay soo dhoweyntaasi ay ka qaybqaateen wasaarada Arrimaha dibadda Itoobiya, Chief protocol ka Ethiopia iyo Safiirka midowga Afrika u fadhiya Itoobiya, waxa iyaguna goob joog ka ku ahaa madaarka wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya Aadan Nuux Dhuule iyo ku xigeenkiisa Ayaanle Salaan Diiriye.

Wafdigaan madaxweynaha ayaa ka kooban wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde.

“Waxaana soo dhawaynta madaxweynaha ka qaybqaadanayey wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia iyo safiirka midowga Africa u fadhiya dalka Ethiopia iyo Chief Protocol ka Ethiopia, sidoo kale masuuliyiinta safaarada Somaliland ayaa goob joog ka ahaa soo dhawaynta madaxweynaha oo ugu horeeyo safiirka Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay weftiga madaxweynaha ee ku sugan magaaladda Addis ababa.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa la sheegay inay inta ay joogaan Dalka Ethiopia kulamo la yeelaan doonaan madaxda dalka Ethiopia, kuwaas oo ka wada hadli doona danaha labadda dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta isku socodka iyo amniga labadda xuduudood.

Tan iyo sidii loo qarxiyey magaaladda Jabuuti waxa ay Dawladda Itoobiya xidhay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas oo istaagay isku socodkii labada shacab, iyadoo gabi ahaanba ay safaaradda Itoobiya u leedahay Hargeysa ay joojisay fiiseeyntii Passporadda, arrintaasi waxay fursad u noqotay xisbiga mucaaradka oo xukuumadda ku dhaliilay xuduuda xidhan, isla markaana ku eedeeyey inay dawladu gabtay inay Itoobiya ku qanciso inay xuduudeedda furto, maadaama oo inta badan dadweynaha Somaliland ku xidhan yihiin Itoobiya, xaga ganacsiga iyo dadka xanuunsanaya inta badan u caafimaad doonta Itoobiya.

Sidoo kale, dalka Itoobiya waxa si toos ah loogu taga Passporka Somaliland oo magaalada Hargeysa loogu fiiseeyo, iyadoo dadku inta badan wax caqabad ah kala kulmin ku socodka Passporkaasi, taasina waxay xoojisay inay labada shacab aad iskugu xidhmaan, sidaa darteed xadka xidhan waxa uu saameyn ku yeeshay dadweynihii iskaga gooshi jiray labadda wadan, kuwaas oo aad ugu canaantay xukuumadda Somaliland xadka xidhan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland