4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Dagaal Khasaare Heystay oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab

Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof oo ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaal ku dhemxaray maanta gobolka Shabeellada Hoose ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa geystay dhaawacyo badan, waxaana uu billowday kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay si gaadmo ah u weerareen gaadiid ay wateen ciidamada ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya.

Wararka aya waxay sheegayaan in dagaalka oo ahaa mid saacado badan socday uu ku dhintay taliyihii howlgelinta guutada lixaad ee ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray, S/xiddigle, Cumar Sheekh Cilmi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay inta u dhexeysa degmada Wanla-weyn iyo Leego uuna ahaa mid xooggan oo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus.

“Illaa hadda geerida la arkay waa sagaal qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kooban, ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dagaalka,” ayuu yiri goobjooge saxaafada la hadlay, kaas oo xusay in xaaladdu ay hadda daggan tahay.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in xoogaggii ururka Al-shabaab ee sida gaadmada ah weerarka u qaaday ay isaga tageen goobta ayna ku sugan yihiin kolonyadii ay wateen ciidamada xoogga dalka.

Lama oga ciidamada halka y ku socdeen iyo halka ay ka yimaaeen, laakiinse dadka ayaa sheegaya in gaadiidkan ay ku socdeen qaybo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, waxaa isna maanta dagaal khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo u dhexeeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mas’uul u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in tiro Al-shabaab ah ay halkaa ku dileen, dhankoodana ay kaga dhinteen ciidammo kuwo kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, balse ma uusan faahfaahin.

Iskahorimaadyadan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu badnaa oo maalin qura sidan oo kale uga dhaca gobolka Shabeellada Hoose, khasaare intaan le’egna geysta, iyadoo Al-shabaab ay dhawaanahan wadeen weerarro aan kala go’ lahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya