4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Jarmalka oo ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Sannadkan 2014 (SAWIRRO)


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Xulka kubadda cagta Jarmalka ayaa xalay ku guuleystay koobka kubadda cagta ee adduunka 2014-ka, kaddib markii uu 1-0  kaga badiyay xulka dalka Argentina oo ay ciyaar adag yeesheen.

Cayaarta oo ahayd mid adag ayay labada xulba soo badhigeen ciyaaro wanaagsan, inkastoo xulka Jarmalka uu u muuqday mid ka awood badan xulkii kasoo horjeeday ee Argentina.

Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta loogu talogalay waxay ku dhamaatay 0-0 iyadoo aysan kooxna u suuro-gelin inay gool dhaliso, waxaana ciyaarta lagu daray waqti dheeraad ah, iyadoo koox walba ay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan, balse halka gool ee ay Jarmalku ku adkaadeen ayaa waxaa dhammaadkii markii waqtigii lagu daray ciyaarta uu marayay 22 daqiiqo ciyaaryahankooda, Mario Goetze.

Inkastoo xulka Argentina ay isku dayeen inay goolkaas iska soo gudaan ayaanay haddana u suurogelin waqtiga ciyaarka ka harsan oo ahaa toddobada daqiiqo oo keliya, waxaana ciyaarta daawanayay madax ay ka mid tahay ra’iisul wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo xubno kale oo caalami ah.

Guushan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo dalka Jarmalka oo mid ah uu ku guuleysto koobka adduunka, sidoo kalena waa markii afaraad oo Jarmalka uu ku guuleysto koobka adduunka, iyadoo markii ugu dambeysay ee uu koobkan ku guuleysto ay ahayd sannadkii 1990-kii oo sidan oo kale ay 1-0 kaga adkaadeen xulka dalka Argentina.

Sidoo kale, Jarmalka ayaa wuxuu dalalka Yurubka u dhigay rikoor cusub oo ah inuu noqday dalkii ugu horreeyay oo Yurub ah oo koobka Adduunka kusoo qaada isagoo ku sugan qaaradda Laatiin Ameerika, marka la eego taariikhada koobka Adduunka.

Xulka Argentina ayaa iyaguna waxay soo bandhigeen ciyaar aada u wanaagsan oo ay ku doonayeen inay koobka ku qaadaan balse uma suurogelin, waxaana guusha Jarmalka ay sababtay in ciyaartoyada iyo taageerayaasha Jarmalku ay ilmaayaan markii ay ciyaartu dhammaatay.

Koobka Adduunka ee sannadkan lagu qabtay dalka Brazail ayaa ahaa kii ugu mucjisada badnaa, iyadoo kooxo la filayay inay meelo sare ciyaarta ka galaan ay ku hareen wareeggii koowaad ee ciyaarta sida kooxdii haysatay koobkan ee Spain.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya