4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
Baaq Nabadeed oo loo Jeediyay Beelihii ku Dagaalamay Deegaannka Deefoow


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa hoyga uu ka deggen yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulan kula qaatay qaar ka mid odayaasha dhaqanka  gobolka, iyaga oo ka wada hadllay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Deefoow ee dulleedka magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa looga wada hadallay siddii loo nabadeyn lahaa deegaannada xiisadaha colaadeed ay ka jiraan, siddoo kalana loo kala qaadi lahaa maleeshiyada labada beellood, iyadoo intaa kadibna wada hadal loo furayo dhinacyada  iska soo horjeeda si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya ee sababay gacan ka hadalka.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay inay aad uga xanuusanayaan xiligan colaad iyo dagaal beelleed ka dhaca guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii dhawaan lagu dagaallamay, isaga oo sheegay in dhinacyada iska soo horjeeda loo baahan yahay in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara in uu dhiig daado.

“Waxaan leeyahay labada dhinac dagaallka joojiya, ma’aha in aad dhiig ku daadisaan khilaaf wada hadal lagu dhameyn karo, aad ayeey arrintan inoo dhibeysaa, ma’aha gobolka Hiiraan oo kalya meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo ay dagaallo ka jiraan waxaan leenahay nabad iyo wada hadal halagu badallo,’’ ayuu yiiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Sheekh Axmed Cumar Libi oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ka qeyb-gallay kulanka ayaa sheegay in dhamaan qodobadii laga wada hadallay leysku afgartay, islamarkaana wixii hadda ka danbeeya loo gudan-tan doono siddii loo nabadeyn lahaa labada beellood, waxaana arrintaa iska kaashan doona odayaasha dhaqanka maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka ka dhacay hoyga Ugaas C/raxmaan ee magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loogu dirro deegaannada xiisada ka jirto odayaal iyo xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo si ay u soo eegaan xaalada guud ee deegaannada lagu dagaallamay.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal dhawaan maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya