4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2014
ILKA-XANAF: AMISOM way diiday inay ilaaliso xarumaha hay’adaha Garsoorka


Isniin, July 14, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf oo ka hadlay amniga garsoorayaasha dalka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diideen inay ilaaliyaan xarumaha hay’adaha garsoorka dalka ay xilligaan ku shaqeeyaan, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay howsheedii qayb ka mid ah dayacday.

Avv. Ilko-xanaf ayaa xusay in ilaalo la’aanta ay keentay in lagu dilo Muqdisho garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan ciidammo Soomaali ah.

“Garsoorku wuxuu ka mid yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mana ilaaliso AMISOM, markaanu u sheegnay inay xarunta maxkamadaha oo ah halka garsoorku xilligan ku shaqeeyo ay ay ilaaliyaanna si cad ayay u diideeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Avv. Ilko-xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabsado uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la'aan awgeed. wuxuuna intaas ku daray inaanu jirin hal garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka howlaha garsoorka ka shaqeeya la laayo.

Mar uu ka hadlayay dacwooyinka la xiriira dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen cadwooyinkaas oo kale, balse ay qaaddo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Amni la’aan ayay maxakmadaha kale ee caadiga ah u qaadi waayeen dacwadaha la xiriira A-shabaabnimada, burcadbadeednimada iyo siyaasadda, waayo iyagoo aan kuwaas qaadin ayaaba garsoorayaasha la laynayaa hadda, haddii ay qaadan maxaa dhici kara?” ayuu Avv. Caydiid Ilko-xanaf is-weydiiyay.

Isagoo hadalka sii wata ayuu sheegay in garsoorayaashu ay guryahooda sida shacabka oo kale u aadaan ayna kasoo shaqo tagaan iyagoo aan haysan wax ilaalo ah, taasoo uu xusay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii wax looga bedeli lahaa, balse aysan weli ku guuleysan.

Ugu dmbeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay AMISOM ay ilaaliso xarumaha labada hay’adood ee kale sida fulinta iyo sharci-dajinta, balse ay diidday inay ilaaliyaan xarunta garsoorku ku shaqeeyo, taasna ay dib u eegis weyn ku sameyn doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya