4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Ciidanka Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM oo Tiradoodu kor u dhaaftay 4,000


Axad, July 13, 2014 (HOL) — Dowladda Itoobiya oo ahayd tii ugu dambeysay oo ka mid noqotay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay tirada ciidamadeedu ka sare mareen kuwa dalka Kenya oo kaga horreeyay ka mid noqoshada howlgalkan oo tiradoodu tahay afar kun oo keliya.

Warbixin ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay inay haatan ciidamada Itoobiya kaga sugan Soomaaliya marayaan 4395 askari, kuwaasoo ka howlgala gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee dalka, halkaasoo ay kula dagaalamayeen bilihii u dambeeyay xoogagga Al-shabaab.

“Ciidamada Itoobiya waxay ka mid noqdeen AMISOM bishii Jannaayo ee sannadkan 2014, iyagoo 100 askari oo keliya howlka ku biiryay markii ugu horreysay, laakiinse askar badan ayay kusoo dareen, waana kuwo ka mid ah kuwa ugu tirada badan howlgalka AMISOM,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale, AMSIOM ayaa sheegtay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howgalkan ay sabab u noqotay in Al-shabaab laga wareego deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo hoggaamiyeyaasha dalka Itoobiya ay sheegeen inay taasi qayb ka tahay qorshayaal lagu doonayo in Somalia oo dhan looga cirib-tiro Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa horay u sheegay in ciidamadooda ay jooji doonaan Soomaaliya tan iyo inta laga adkaayo Al-shabaab oo uu ugu yeeray koox dhibaato ku haysa gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Laakiinse, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa  dhawaan ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in ciidamada Itoobiya uu howlgalkoodu aad uga duwan yahay kuwa kale ee AMISOM ayna dalka joogayaan muddo kooban.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in sannadka soo socda ee 2015-ka uu howlgalka ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku eg-yaha; ayna bixi doonaan wixii markaas ka dambeeya  balse ciidamada kale ee AMISOM ay howlgalkooda sii wadan doonaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qayb ka yihiin 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM, kuwaasoo ka socda lix dal oo kala ah, Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone, Kenya iyo Itoobiya oo lix ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya