4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Xulalka Jarmalka iyo Argentina oo caawa ku kulmaya finalka Koobka Adduunka


Axad, July 13, 2014 (HOL) — Xulalka kubadda cagta Argantina iyo Germany ayaa caawa isku arki doona mid kamid ah dhacdooyinka kubadda cagta ee afartii sanaba mar soo marta adduunka, iyadoo indhaha lagu wada hayn doono finalkan oo ka  dhici doona garoonka Maracana Stadium.

 Germanay ayaa todobo gool uga soo badisay xulka marti-galinaya koobkan ee Brazil kulankii semi finalka, halka Argantina ay rigoorayaal ku reebeen xulka Netherland oo kamid ahaa wadamada  loo saadaalinayay in ay ku guulaysan doonaan koobkan.

Labada xul ayaa horey u soo wada ciyaaray kulamo dhan 21- kulan oo ay ku jiraan kuwa saaxiibtinimo ,sagaal kamid ah waxaa badisay Argantina, halka lix-jeerna ay badisay xulka Germany,iyaga oo bareejo ku kala baxay kulamo dhan shan ciyaar.

Qaranka Argantina waxa shaki uu ku jiraa in ciyaarta lagu soo bilaabo ciyaar-yahanada kala ah Di Maria iyo Marcos Rojo ,halka xulka Gernmany uu tababarka ku soo laabtay daafacooda Hummless oo ka cabanayay xanuun ka soo gaaray ciribta.

Kulankan oo ah kii 21-aad ayaa hadana  noqonaya kii  7-aad oo ay Germany iyo Argantina  isku arkaan ciyaaraha koobka adduunka, iyadoo ciyaartii ugu horeeysay oo ay labada xul isku arkaan koobka adduunka ay dhacday  sanadkii 1958-dii ,markasoo koobka adduunka lagu  hayay dalka Sweden waxaana 3-1 ku badiyay Germany.

Labada tababare ayaa u diyaar-garoobaya finalkan oo indhaha lagu wada-hayo caawa, waxaana ciyaar-yahanka kooxda Barcelona iyo Argantina Messi oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in hadii uu ku guulaysto koobkan ay u rimoobi doonto  riyadiisi ugu weynayd intii uu kubadda ciyaaryay.

Koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Maxico 1986-di,waxaa 3-2 loogu awood sheegtay xulka Germany ,iyadoo kii ku xigayna  oo isna la qabtay 1990-kii ,waxaa gool iyo eber ku badisay xulka Germany.

Waqtiga Afrikada Bari marka uu yahay 10:00 Fiidnimo ayay ciyaartan soo galaysaa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]