4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Itoobiya kala hadli doonaa xuduuda Xiran


Axad, July 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar u baxay waddamada Itoobiya iyo ingiriiska, waxaanu sheegay in Itoobiya uu kala hadli doonno danaha labadda dal, halka uu ingiriiska fasax u tagi doono.

“Safarkaygu wuxuu u badan yahay mid gaar ah oo aan ugu ambabixi doono dalka Britain, waxaana sii mari doonna dalka Itoobiya oo aanu kala hadli doonno danaha inaga dhexeeya, maadaama oo Itoobiyaha tahay dal aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyo, waxaana iska caadi ah in markasta oo aan baxayo sii maro oo aan la kulmo madaxda Itoobiya”yuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey ujeedada safarkiisa.

“Somaliland cid walba way ka warqabta  inay meel nabad ah, dhulalka Soomaalidu degtana waa meesha ugu nabadda badan, waad ogtihiin Xamar waxa ka dhacaya”ayuu yidhi Siilaano oo ka jawaabayey su’aal amniga wax laga waydiiyey.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka jawaabay inay Itoobiya kala hadli doonaan xadka xidhin,  ayaa sheegay inay itoobiya kala hadli doonaan xadka xidhan, isla markaana labadda dhinacba wada ilaalin doonaan nabadda.

Maxamed Biixi waxa kale oo uu sheegay in maanta madaxweynuhu amar ku bixiyey in la siidaayo gudoomiyihii wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe oo muddo ku xidhnaa jeelka Gabilay.

Wasiirku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in haddii Soomaaliya jabiso qodabaddii  lagu heshiiyey  ay qaraar ka qaadan doonaan, inkastoo aanu xusin go’aanka ay qaadanayaan  nooca uu yahay.

Dhinaca kale, waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal ay samaysatay wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland