4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Kulan looga Hadlayay Doorka Haweenka ee Nabadda oo Muqdisho lagu qabtay


Axad, July 13, 2014 (HOL) — Dood ku saabsan doorka haweenka ay kaga aaddan sugidda amniga ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen ururrada haweenka gobolka Banaadir, kan Qaranka iyo haween ka socday degmooyinka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay CCD ayaa looga hadlay sida haweenka Soomaaliyeed xilligan uga qayb-qaadan karaan amniga iyo la shaqeynta laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada C/casiis, Cusmaan Muxiyadiin Cali ayaa sheegay in mar walba loo baahan yahay in laga doodo wacyiga jira. "In mar kasta laga doodo wacyiga jira waxyaabaha ummadda dareemeyso ka mid tahay waxaa lasoo maray xilli aan la hadli jirin, taas waxay keenaysaa inuu dadka uu ku dhaco is-bedel.”

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in haweenku ay laf-dhabar u yihiin bulshada, sidaa daraadeedna looga baahan yahay inay qaataan qaybtooda ku aaddan sugidda ammaanka dalka iyo kan Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo iyaduna ka hadashay madasha ayaa sheegtay in dhibaatada iyo xanuunka ugu badan uu soo gaaro haweenka Soomaaliyeed, waxayna tilmaamay in hooyadu ay aasaas u tahay bulshada, isla markaana wax walba oo dhaq-dhaqaaq ah ay gacanta ku heyso hooyada Soomaaliyeed.

"Dhibka ugu badan haweenka ayuu ku dhacayaa, hooyada ayuu xanuunka u dambeeya ku dhacayaa, maanta dhibka jira dushooda ka dhacaan, hadduu dhaawac yahay, hadday dhimasho tahay, shalay labo haween ayaa la dilay, waxaa lagu dilayaa, sidee dareen u yeesheen, magaca dowladnimada u sheeg-sheegayaan,"ayay tiri Canab Xasan Cilmi.

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baar-qab ayaa uga mahad-celisay hay'adda wadahadalka bulshada in dood-cilmiyeedkan ay ku soo beegtay marxalada jirta, isla markaana qodobbada looga hadlayo ay iska turjumayaan.

"Marxaladda maanta jirta ayaa lagu soo beegay dooddan, qodobbada aan ka doodayno waa kuwo is-furaya, maxaa yeelay maanta dhibka halkan uu ka jiro waa caasimadii ummadda Soomaaliyeed," ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Waxaa ay sheegtay in haweenka ay kaalin weyn ku leeyihiin amniga iyo ka hor-tagga falalka amni-darrada ah, iyadoo caddeysay in loo baahan yahay in laga hortago dilalka qorsheysan ee ka socda Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa doodad ka hadashay guddoomiyaha qaybta haweenka ee CCD, Sahro Maxamed Amiin oo sheegtay in haweenka ay u midoobaan sidii dadka dhibka ku haya nabadda looga hortegi lahaa. Dilalka loo geysanayo haweenkana waa kuwo sharci-darro ah ayay hadalkeeda ku dartay.

Ugu dambeyn, doodda ayaa haweenkii ka socday degmooyinka waxay kaga doodeen sida loo heli karo amni buuxa, isla markaana degmooyinka oo dhan la isugu xiri karo… si looga hortago falalka dilalka ah ee loo geysanayo dadka shacabka ah, iyadoo xustay in dilka haweenka loo geysanayo uu yahay dil waxashnimo ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya