4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Jowhar oo ku dhaawacmay Qarax Miino

Axad, July 13, 2014 (HOL) — Daahir Maxamed Kaanti oo ka mid ah xubnaha maamulka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiis oo kula qarxay bartamaha suuqa degmada Jowhar.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda hoose ee magaalada Jowhar, iyadoo dhaawiciisa loola cararay isbitaalka degmada Jowhar, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay dhaawiciisa.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa degmada Jowhar ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan, aysanna jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay, waxayna tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan maamulka Jowhar qarax loogu xiro gaarigiisa.

Ma jiro cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, waxaase xubno ka tirsan maamulka degmada Jowhar ay sheegeen inay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda iyo AMISOM.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo saraakiisha cidiamadu ay sheegeen inay baaritaanno ku wadayaa ciddii ka dambeysya qaraxa gaariga lagu xiray.

Dadweynaha degmada Jowhar ayaa si aad ah u hadal-haya qaraxa maanta lagu dhaawacay Kaanti oo ka mid ahaa waaxda canshuuraha ee degmadaas, iyadoo shacabku ay baqdin ka muujinayaan falalkan oo ammaanka dhaawici kara.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay xoojin doonto falalka ay ka geysanayso Muqdisho iyo deegaannada gobollada dalka ka tirsan ee ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya