4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Kooxo Hubeysan oo toogasho ku dilay ruux ka mid ahaa shaqaalaha Dowladda

Axad, July 13, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ruux ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Somalia, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana la dilay isagoo fadhiyay illinka hore ee gurigiisa, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in laba wiil oo bastoolado ku hubeysan ay toogteen.

“Wiilka la dilay wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada xaafada, waxaana toogtay isagoo gurigiisa hortiisa fadhiya laba wiiil oo bastoolado ku hubeysan wayna baxsadeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in labadii ruux ee dilka geysatay ay u baxsadeen dhinaca bari ee xaafadda Nasteexo meel ay aadeenna aan la ogeyn, isagoo xusay in wiilka la toogtay uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda, balse dilkiisa kaddib loo sheegay inuu ka tirsnaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Dilka ruuxan ka tirsnaa shaqaalaha dowladda Soomaaliya maanta loogu geystay Muqdisho ayaanay weli ka hadlin maamulka degmada Wadajir, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin wasaaradda maaliyadda oo uu ka mid ahaa shaqaalaheeda.

Maydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday ehelladiisa, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso falalka ammaan-darrada ah ee ka taagan Muqdisho, kuwaasoo xoogeystay markii ay dhalatay bisha Ramadaan.

Al-shabaab ayaa horay ugu gooddisay inay beegsan doonto cid walba oo la shaqeysa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale ay ku hanjabeen inay kordhin doonaan dilalka, weerarrada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya