Axad, July 13, 2014 (HOL) :- Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ika warbixiyay xaaladda amni ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay ka geysato magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay miinooyin kasoo saareen qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in hadii miinooyinkaasi ay qarxi lahaayeen ay geysan lahaayeen khasaarooyin baaxad leh.
Masuulkan ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay kala shaqeeyaan ciidamada sugista amniga, islamarkaana ay kusoo wargeliyaan wixii khatar ah ee ay arkaan.
Dhawaan ayay ahayd markii qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Jubba.
Dhinaca kale, gudoomiyaha ayaa digniin culus u diray dadka masoomayaasha ah ee ku nool magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidda bishan barakeeysan ee ramadaan gudaheeda ka ganacsatada raashiinka bisil.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Maamulka Jubba oo sheegay inay fashiliyeen weerarro ay Al-shabaab waday
More News
- Ciidanka Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM oo Tiradoodu kor u dhaaftay 4,000
- Xulalka Jarmalka iyo Argentina oo caawa ku kulmaya finalka Koobka Adduunka
- Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Itoobiya kala hadli doonaa xuduuda Xiran
- Kulan looga Hadlayay Doorka Haweenka ee Nabadda oo Muqdisho lagu qabtay
- Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Jowhar oo ku dhaawacmay Qarax Miino
- Kooxo Hubeysan oo toogasho ku dilay ruux ka mid ahaa shaqaalaha Dowladda
- Hay’adaha Turkiga oo si KMG ah u Joojiyay Howlihii ay ka Wadeen Muqdisho
- Al-shabaab oo Baraawe ku Toogatay laba wiil oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo
- Dab Khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay Suuqa Degmada Huriwaa