4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Hay’adaha Turkiga oo si KMG ah u Joojiyay Howlihii ay ka Wadeen Muqdisho


Axad, July 13, 2014 (HOL) — Hay’adaha Turkiga ee magaalada Muqdisho ka howlgalaya ayaa la sheegay inay joojiyeen howlihii ay wadeen, kaddib markii ay baqdin ka muujiyeen in si gaar ah loo bartilmaameedsado shaqaalahooda inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Turkiga ayaa Muqdisho kawada howlo dib u dhis ah oo ay ka mid yihiin inay dayactir ku sameynayaan waddooyinka Muqdisho oo ahaa kuwo aan dayactir helin tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Howl-wadeenno ka tirsan shaqaalaha Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha Turkigu ay ka baqeen inay bartilmaameed u noqdaan Al-shabaab oo tan iyo bishan Ramadaan billowgeeda ka wadday Muqdisho falal isugu jira dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro toos ah.

Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa dareen cabsi leh ka muujineysaa in inta ka harsan bisha Ramadaan ay Muqdisho ka dhacaan weerarro ay dhici karto in lagu bartilmaameedsado shaqaalaheeda Muqdisho ka howlgala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha Turkiga lagu wargeliyay inay howlahooda hakad geliyaan inta uu ka dhammaanayo Ramadaanka, ayna howlahooda billaabaan karaan maalinta ciidda ah maalinta ku xigta.

Dhawaan ayaa sarkaal ka tirsanaa shirkadda Turkish Airlines waxay kooxo hubeysan oo watay gaari yar ku toogteen isgoyska KM-4 ee Muqdisho xilli uu watay gaari yar, waxaana dhaawacmay qof Soomaali ah oo la socday.

Turkiga ayaa sidoo kale joojiyay howlihii nadaafadda ahaa ee ay Muqdisho ka wadeen, iyagoo ahaa kuwa keliya ee nadiifiyo dariiqyada waaweyn ee ku yaalla Muqdisho oo qaarkood dayactir lagu sameeyay.

Hay'adaha FAVORI LLC iyo Turkish Airlines ayaan ka mid ahayn hay'adaha howlahooda hakadka geliyay inta ay ka dhammaanayso bisha Ramadaan, sida ay sheegeen shaqaale ka tirsan, iyadoo hay'addan oo ay howlahooda sidii caadiga ahayd u wadanayaan.

Waa markii ugu horreysay oo hay’adaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho ay ku dhawaaqaan inay cabsi awgeed howlahoodii u joojiyeen, iyadoo horay ay u sheegtay Al-shabaab inay beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee ka howl-gala maaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya