4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2014
Dab Khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay Suuqa Degmada Huriwaa

Axad, July 13, 2014 (HOL) — Suuqa degmada Huriwaa ayaa waxaa xalay ka kacay dab sababay khasaare hantiyeed, kaasoo ka dhashay koronto qarax sameysay, sida ay sheegeen maamulka degmada iyo dad goobjoogayaal ah.

Goobjooge lagu magacaabo Nuur Cali ayaa u sheegay warbaahint in dabkan uu billowday 11:00 habeenimo ee xalay, laguna guuleystay in la damiyo inta uusan ku fidin qaybaha kale ee suuqa.

“Xalay 11:00 habeenimo ayuu dabku billowday, waxaana markiiba kusoo yaacay dadka ku nool xaafadaha ku dhow suuqa, ganacsatadii iyo ciidanka saldhigga degmada Huriwaa oo suuqa ku dhow, waxaana lagu guuleystay inuusan fidin dabka, khasaaraha wuxuu ku eg-yahay laba carwo oo keliya,” ayuu yiri goobjoogahan la hadlay warbaahinta.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu dabkan geystay, iyadoo labada carwo ee uu dabku ka billowday ay gubteen gabi ahaantood, waxaana ay u sheegeen ganacsatadii lahayd inay ku jireen dhar iyo lacago caddaan ah oo dabkii xalay ku gubtay.

“Al-xamdulillaahi ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo dabkan uu dhaliyay, waxaa keliya oo ku gubtay alaabooyinkii ku jiray labada carwo, waxaana la sheegay in dabku uu ka dhashay koronto qaraxday,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii lahayd dukaamada dharka ee xalay gubtay.

Maamulka degmada Huriwaa ayaa dhankooda sheegay in dabkan damintiisa ay kaalin weyn ka qaateen gaadiid damb-damis ah oo gobolka Banaadir uu leeyahay iyo kuwo ay shirkado ku yaalla Muqdisho leeyihiin, Alle mahaddiina lagu guuleystay in dambkaas si dhaqso ah loo damiyo.

Tani ma ahan markii ugu horreysay oo suuq ku yaalla magaalada Muqdisho uu gubto xilli habeenkii ah, balse khasaaraha dabkan ayaa aad uga yar kuwii horay uga kici jiray suuqyada magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay kan Bakaaraha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya