4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Dowladda Kenya oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Britain


Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinteeda ku war-gelisay in ay ka digtoonaadaan inay taraasit kusii maraan garoonka caalamiga ah ee Heathrow oo ku yaalla magaalada London ee xarunta dalka Britain, iyadoo sheegtay inay suuro-gal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ay geysato Al-Qaacida.

Sabtida maanta ah ayuu xogyahaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Dr. Karanja Kibicho wuxuu shaaciyay inay heleen warbixinno sheegaya inay suuro-gal tahay in weerarro argagaxiso lala beegsdo groonka diyaaradaha Britain ee Heathrow.

“Warbixinno ay bixiteen saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida ee Yemen iyo Suuriya isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha. Warbixinnadu waxay muujinayaan in dalka Britain uu noqon karo dalka ay saameynta ugu weyn ku yeelan karaan weerarradaas,” ayuu yiri Dr. Kibicho.

Xoghayaha ayaa intaas ku daray. “Innagoo saldhig ka dhiganayna warbixinta waxaan ku wargelinaynaa muwaaindiinta Kenya inaysan u safrin magaalada London, halkaasoo ay macquul tahay in weerarradan argagaxisada ah lala beegsado.”

Dr. Kibicho ayaa talooyinkiisa raaciyay in muwaadiniinta Keenyaanka ahi ay marinno kale sii maraan marka ay u socdaalayaan Mareykanka, sida Itoobiya, Imaaraadka, Netherlads, Addis Ababa iyo kuwo kale, halka ay ka mari lahaayeen London. Madaama uusan jirin duulimaad toos ah oo ka baxa Kenya oo dalka Mareykanka tagaya.

Waa markii ugu horreysay oo xukuumadda Kenya ay soo saarto digniino ku saabsan in safar lagu sii maro dalka Britain, iyadoo la xusuusto in tani ay ku soo beegmayso xilli dowladda Britain ay joojiso gabi ahaan jaadkii ganacsiga uga tegi jiray Kenya ee dalkeeda la geyn jiray.

Sidoo kale, tani waxay imaanaysaa xilli dowladaha Britain iyo Mareynaka ay uga digeen muwaadiintooda bilihii lasoo dhaafay inay safar ku tagaan Kenya oo ay sheegeen inaysan ammaan ahayn, halkaasoo ahayd goobta ugu badan ee ay dalxiiska ku tegi jireen dadka u dhashay dalalka reer galbeedka.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqaalaheeda safaaradda Kenya intooda badan kala baxay halkaas, kaddib markii uu culeys ku yimid amniga Kenya.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ku nool 130,000 oo qof oo Kenyan ah, balse ma sheegin dowladdu in dadkaas ay kasoo safri karaan garoonka London iyo in kale.

Xukuumadda Britain ayaa maanta oo Sabti ah dhankeeda sheegtay inay ka caawinayso dowladda Kenya dagaalka ay klua jirto argagaxisada halista ku ah ammanka dalkooda, balse weli dowladda Britain kama aysan jawaabin hadalka dingiinta ah ee Kenya ay soo saartay ee ku saabsan inay dhici karto in weerarro argagaxiso lala beegsado garoonka diyaaradaha ee Heathrow.

Dr. Kibicho ma sheegin in garoonka Jommo Kenyatta ee Nairob uu qayb ka yahay garoommada ay beegsan doonaan kooxaha Al-Qaacida ku xiran ee ka dagaalama dalalka Yemen iyo Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya