4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka oo Maanta si rasmi ah ula Wareegay Xilka


Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta oo Sabti ah si ramsi ah ula wareegay xilka, isagoo xilka kala wareegay wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo si KMG ah u sii hayay xilkaas, tan iyo markii uu is-casilay wasiirkii hore, C/kariin Xuseen Guuleed 24, May, 2014-ka.

Xafladda xil wareejinta ah oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socday golayaasha dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa wasiirka cusub kula dar-daaray inuu xil weyn iska saaro gudashada waajibkiisa Qaran, isla markaana uu dardar-geliyo howlaha Amniga guud ee Soomaaliya iyo kan Muqdisho.

Sidoo kale, Khaliif Ereg ayaa ka mahadceliyay xilka lagu wareejiyay, isagoo ballan-qaaday inuu la imaan doono isbeddel dhanka ammaanka ah, uuna wax badan ka qaban doono dhibaatada amni-darro ee ka jirta caasimadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay xafladda xil wareejinta ahayd ayaa sheegay in loo baahan yahay inay wasiirka iyo taliyeyaasha cusub ee la magacaabay ay xoojiyaan howlaha ammaanka lagu adkeynayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa wasiirka cusub xilka u magacaabay Arbacadii lasoo dhaafay, kaddib markii habeennimadii Talaadada ay Al-shabaab weerartay xarunta madaxtooyda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa xil ka qaadis ka dhalatay weerarkan ayaa lagu sameeyay taliyeyaashii ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Somalia, iyadoo xilalkaas loo magacaabay saraakiil cusub.

Tallaabadan ayuu C/weli Sheekh ku sheegay inay tahay mid isbedel loogu sameynayo hay’adaha ammaanka dalka, si loo xoojiyo ka hortagga weerarro ay Al-shabaab ka geysto caasimadda, kuwasoo sare u kacayay tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa ku goodinaysa inay xoojin doonto weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowladda Soomaaliya ee caasimadda ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya