4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Xafiisyada Shirkada Dahabshiil ee Gobolka Jubbada Dhexe oo Maanta la xiray


Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Xafiisyadii shirkadda Xawaaladda Dahab-shiil ay ku lahayd gobolka Jubbada dhexe ee Somalia ayaa la xiray, kaddib markii ay Al-shabaab amar ku bixisay in la xiro xafiisyadaas.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in la xiray xafiisyada Dahab-shiil ee ku yaallay degmooyinka Bu’aale, Saakoow, Salagle, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Wararku waxay intaas ku darayaan in, Cabdiraxmaan Xudeyfa oo ah madaxa Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka uu amray xiridda xafiisyadan bixiyay, kaddib markii ay shirkaddu bixin wayday lacago Sako oo ay Al-shabaab ku amartay inay bixiso.

Mas’uuliyiinta Dahab-shiil ee Jubbada dhexe ayaa ka gaabsaday inay arrinta xirtaanka xafiisyada shirkadda ee gobolkaas ay ka hadlaan, sidoo kalena weli kama aysan hadlin maamulka guud ee shirkadda amarka albaabbada loogu laabtay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolkaas.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ee ay Al-shabaab sida buuxda uga taliso, kaasoo degmo ka mid ah aysan ku sugnayn ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee Midowga Afrika.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaan iyaduna weli ka hadlin amarka xafiisyadan ay Dahab-shiil lahayd lagu xiray, waxaase la ogyahay in Al-shabaab ay ka qaaddo sannad walba ganacsatada deegaannada ay maamulaan Sakada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya