4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Amniga iyo Nadaafadda Muqdisho

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa yeeshay kulan ay kaga hadleen arrimaha ammaanka iyo nadaafadda gobolka iyadoo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Kulankan oo ay ka qaybgaleen dhammaan mas’uuliyiinta maamulka iyo gudoomiyeyaasha iyo degmoyinka gobolka Banaadir ayuu Muun-gaab ka sheegay inay muhiim tahay in la adkeeyo ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay guddoomiyuhu nadaafadda Muqdisho, isagoo ku boorriyay guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir inay xoogga saaraan sidii kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

“Maamulka gobolku wuxuu dhowaan howlgeliyay 12-shirkadood oo si gaar ah uga shaqeyn doono nadaafadda Muqdisho, kuwaasoo ah shirkad gaar loo leeyahay loona xil-saaray inay 17-degmo ka howlgalaan,” ayuu Muun-gaab ka sheegay kulanka.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhawaan bilowday olole ballaaran oo dib loogu dhisayo xaurmihii dowladda hoose iyo kaabeyaasha dhaqaalaha guud ee dalka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in gunno dhimis lagu sameeyo dhamaan shaqaalaha maamulka gobolka Banadir iyo dowladda hoose, kaas oo noqonaya 30%, 20%, 10% iyo 5%; iyadoo loo racaayo habkan kala-sareynta gunnooyinka ay shaqaaluhu qaataan.

Gunno-dhimistan oo socon doona muddo lix bilood ah lagu wadaa in lacagta kasoo xaroota dib loogu dhisi doonaa xarunta dawladda Hoose ee Muqdisho iyo xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Inkastoo maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay dadaal u galayaan sidii ay u adkeyn lahaayeen ammaanka caasimadda ayaa haddana waxaa weli ka socda Muqdisho dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag Al-shabaab taabacsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya