4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Dagaal ku dhexmaraya Gobolka Bay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Al-shabaab

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Ciidammo uu wato sarkaal horay uga goostay kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo, Mayow Teesiyoow ayaa weeraray deegaanka Say-dheelo oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, kaasoo Baydhabo u jira 30-km.

Dagaalka ayaa weli socda, iyadoo Baydhabo lasoo gaarsiiyay dhaawac ciidamadii uu watay Teesiyoow oo hada la geeyey isbitaalka wayn ee Bydhabo. ciidamada uu sida gaarka ah u wato sarkaalkan horay uga soo goostay Al-shabaab ayaa waxay isugu jiraan kuwa dowladda iyo kuwa ay isku hab yihiin.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay hubeeyeen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo  dagaalku uu weli si xooggan uga socda deegaanka.

Dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaakla ka dhashay,  welina kama aysan hadlin Al-shabaab weerarka uu ku qaaday xoogaggooda sarkaalkan horay uga goostay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna dagaal kawada aagga degmada Bardaale ee gobolka Bay, iyadoo ciidankaas uu horkacayo guddoomiyaha degmada Berdaale, Cara-cas .

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo lagu doonayo in lagu weeraro deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab ee gobolka ku yaalla.

Waxii faafaahin oo ku saabsan dagaalka ka socda duleedka Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Hiiraan Online, Baydhabo