4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Askari iyo Haweeney Ganacsato ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Xamar

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyinka Dayniile iyo Huriwaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo haweeney ganacsato ah.

Askari ayaa lagu dilay xaafadda Ood-weyne ee degmada Dayniile, taasoo aad ugu wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay horay u sii qaateen qori AK-47 ah oo uu watay askariga la dilay.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay in askariga uu keligiis ahaa, markii ay toogteenna ay kooxaha hubeysan u suuro-gashay inay baxsadaan, waxaana goor dambe goobta ka qaaday maydka askariga la dilay askar kale oo dowladda ka tirsan.

Haweeney qudaarta ka ganacsatada oo magaceeda lagu sheegay Shamso Warsame ayaa iyadana lagu toogtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee loo toogtay iyo waxay galabsantay.

Inkastoo aysan jirin weli cid geystay dilalkan ayaa haddana waxay xubno ka tirsan dolwadda Soomaaliya inta badan ku eedeeyaan dilalka noocan oo kale Al-shabaab oo ay dagaal kula jiraan.

Dilka haweeneydan ayaa kusoo beegmaya xilli iyadoo habeen ka hor lagu dilay isla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa haweeney gurigeeda laga baxay, taas oo la ogeyn illaa hadda sababta loo dilay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya