4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Danjiraha Turkiga ee Somalia oo Muqdisho loogu sameeyay Xaflad sagootin ah


Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Xaflad ay soo qaban-qaabisay dallada cilmi-baarista iyo waxbarashada ee Somali-REN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado iyo macaahid laguna sagootinayay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun oo dhawaan dalkiisa ku laabanaya ayaa xalay lagu qabtay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho,  iyadoo ay ka qaybgaleen aqoonyahanno iyo xubno ka socoday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dowladda Turkiga ayaa sannadihii lasoo dhaafay Somalia ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo aad u ballaaran, kuwaas oo lagu dhisay isbitaallo, waddooyin iyo goobo Waxbarasho. Sidoo kale Turkigu wuxuu deeq waxbarasho siiyay kummanaan arday Soomaaliyeed ah.

“Shaqooyinka ay qabteen Turkiga waxay isugu jireen inay waddooyin dhisaan, inay isbitaalo dhisaan, inay waxbarashada ka shaqeeyaan iyo inay mashruucii dhinaca bani’aadamnimada ah fuliyaan tan iyo 2011 oo ay dalka abaaro xun ku dhufteen. Intii danjiruhu xafiiska joogay dowladda Turkigu waxay taageero aad u ballaaran siisay shacabka Soomaaliyeed si guud, si gaar ahna bahda waxbarashada,” ayuu yiri guddoomiyaha Somali-REN, Daahir Xasan Carab  oo xafladda ka hadlay.

Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isna ka hadlay xafladda ayaa wax aan la hilmaami karin ku tilmaamay gurmadkii ay dowladda Turkigu u fidisay Soomaaliya sannadkii 2011-kii oo ay abaar daran dalka ka jirtay, Imaanshahaasoo wax badan kusoo kordhiyay siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, taasoo fududeysay in bulshada caalamku ay u soo jeesato Soomaaliya.

“Si gaar ah ayaan ugu mahad-celinaynaa danjiraha walaalkeen ah oo runtii dhib fara badan iyo duruufo adag lasoo kulmay intii uu shaqeynayay oo laga yaabo inuu la kulmay waxyaabo badan oo aanan saacidayn inuu waajibkiisa guto,” ayuu yiri Sheekh Bashiir oo uga tacsiyeeyay shacabka iyo xukukumadda Turkiga dadkii ku waxyeeloobay dalka Soomaaliya intii ku sugnaayeen.

Isagoo sii hadlaya ayuu Sheekh Bashiir yiri: “Wixii dhibaato ahaa ee uu la kulmay danjiraha iyo wixii dhibaato ah oo ay la kulmeen shaqaalaha Turkigu oo dhimasho iyo dhaawac ahaa waan uga tacsiyadeyneynaa.”

Danjire Cemalettin Kani Torun oo isna munaasabadda lagu sagootinayay ka hadlay ayaa u mahad-celiyay madaxda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay inay soo dhaweeyeen, lana shaqeeyeen. Wuxuu intaas ku daray in imaanshihii uu Soomaaliya yimid ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ay caalamka ku dhiirri-gelisay in Soomaaliya la tagi karo laguna shaqeyn karo.

“Muhiimadda ugu weyn ee xukuumadda Turkigu ay sameyneyso waa inay u dooddo sidii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen, taasi waa doorkeenna. Waxaan aadi doonaa Ankara laakiin haddii uu Alle idmo, qalbigeygu wuu idin la joogi doonaa, waxaan ahaan doonaa danjire idiin fadhiya Turkiga,” ayuu yiri Kani Torun.

Dowladda Turkiga ayaa Somalia ka fulinaysa mashaariic horumarineed oo dib loogu dhisayo waddooyinka, goobaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka, sidoo kale dowladda Turkiga ayaa marti-gelisay wadahallada u dhaxeeya Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya