4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
HARGEYSA: Nin Toorrey ku dhaawacay Afar qof oo ku Cibaadeynsayay Masjid


Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Afar qof ayaa xalay ku dhaawacmay magaalada Hargeysa, kaddib markii nin uu tooray la dhacay dad ku tukanayay masaajid.

Lama sheegin sababta ninkani Tooray ula dhacay dadkaasi tukanayey, isla markaana illaa hadda ciidanka amnigu kama hadal, haseyeeshee dadka qaar ayaa sheegayey inuu ninkaasi maskaxda ka xanuunsanayey.

Dadkii ku dhaawacmay Toorayda ayaa markiiba loola cararay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, inkastoo la sheegay inay dhaawacyo fudud ahaayeen.

Sidoo kale, isla goobtii shilkani ka dhacay waxa soo gaadhay ciidanka booliska oo markiiba gacanta ku dhigay ninkii Toorayda dadka tukanayey la dhacay kaas oo loo taxaabay xabsiga.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa la anfariiray ninka masaajidka la dhex qaaday Tooray, iyadoo la sheegay in dadka dhaawaca ahaa uu ku jiray imaamkii masaajidka .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland