4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Howlgal lagu Qabtay Boqollaal Qof oo maanta laga sameeyay Xamar-weyne

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Boqolaal qof oo uu ka mid ahaa wariye C/llaahi Kulmiye Caddoow oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa maanta laga sameeyay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Dadkan ayaa waxay isugu jireen ganacsato, dad jidadka iska marayay iyo sidoo kale kuwo dukaamo laga soo dhex-qabtay, iyadoo maamulka Xamar-weyne iyo saraakiisha howlgalka sameeyay ay sheegeen inay tani qayb ka tahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka degmada.

“Anigoo u socda kawaanka kalluunka ee degmada Xamar-weyne ayaa waxaa iga celiyay jidka askar ka mid ah kuwii howlgallada sameynayay, markaan dib uga laabtay ayaa askari kale i qabtay, markaan u sheegay inaan wariye ahay oo aan tusay aqoonsigeyga ayuu billlaabay inuu iigu yeerto askar kale oo ay jir-dil igu sameeyaan,” ayuu wariye C/llaahi Kulmiye.

Wariyaha ayaa wuxuu ka mid yahay dadka lagu xiray saldhigga degmadaas si loogu sameeyo baaritaanno, wuxuuna xusay mar uu warbaahinta la hadlayay in afar jaho lagala xigo qoryo uu ammaankoodu furan yahay.

Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed oo ka warbixiyay howlgalka ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xaqijinayo amniga degmada oo ay horay dilal uga dhaceen.

“Qof walba baaritaan ayuu marayaa, qofkii la dambi lagu waayo waa la sii daynayaa qofkii kalena sharciga ayaa lala tiigsanayaa. Qofkii la garto inuu yahay shacabka ku nool degmada balse aan dhibaatooyinka geysta isagana waa la sii daynayaa,” ayuu yiri gudodomiyaha degmada Xamar-weyne.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu baaxadda weynaa ee degmadaas laga sameeyo dhawaanahan, iyadoo degmadaas ay ka dhaceen falal ammaan-darro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa xildlhibaan Xayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya