4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
AVV. ILKO-XANAF: "Wasiirka Garsoorku masoo Magacaabi karo Guddi Garsoor"

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka garsoorka dalka aanu xaq u lahayn inuu soo magacaabo guddiga adeegga garsoorka dalka, uusanna sidoo kale awood u lahayn inuu kala diro guddiga adeegga garsoorka ee hadda jira.

Avv. Ilka-xanaf ayaa sidoo kale sheegay in go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen sharciga guddiga adeegga garsoorka dalka uusan waafaqsanayn sharciga dalka, sidaa daraadeedna ay tahay in dib loo celiyo.

“Wasiirka Garsoorku awood uma lahan inuu soo magacaabo guddiga adeegga garsoorka dalka, guddigan wuxuu ka madax-bannaan yahay hay’adaha dowladda, marka ma jirto sabab keeni karta in guddi kale lasoo magacaabo,” ayuu Ilka-xanaf ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa xusay inaanay jirin meel ay ku qoran tahay in wasiirka garsoorka dalka uu soo fara-geliyo arrimaha garsoorka ama uu soo magacaabo Guddiga Adeegga Garsoorka, isagoo ku tilmaamay arrintaas inay tahay mid sharci-daro ah.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka uu sheegay inaanu dastuurka waafaqsanayn sharcigii dhawaan uu baarlamaanku meel-mariyay, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu doonayo in garsoorka dalka la isaga horkeeno.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa isaguna dhawaan kasoo horjeestay ansixintii Guddiga Adeegga Garsoorka dalka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid si gaar ah awood u siinaya wasiirka garsoorka, taasoo aan sharci ahayn.

Ma jirto illaa hadda hadal kasoo baxay dhinaca wasaaradda gasoorka iyo wasiirka Faarax Sheekh C/qaadir oo ku saabsan diidmada sharcigan ee guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka iyo xeer ilaaliyaha Qaranka kasoo yeeraysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya