4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
MWANGURA: Al-shabaab ayaa haysta shaqaalihii markab ku caariyay Somalia

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Madaxa hay’adda badmareenadda Qaarada Afrika, Andrew Mwangura ayaa hadal kooban oo ay soo saartay hay’adda ku sheegtay inay Al-shabaab ay gacanta ku hayso shaqaalaha iyo markab laga leeyahay Kenya oo ku caariyay maalin ka hor ku caariyay xeebaha gobolka Shabeellada Hoose.

Andrew Mwangura ayaa ka sheegay Nairobi in xogta ay hayaan ay sheegayso in markabka oo la yiraahdo MV Jamila oo ah markab xamuul uu isaga iyo shaqaalihii la socdayba ay haysato Al-shabaab.

“Markabka waxaa laga leeyahay Kenya; wuxuuna ka yimid Musambiik, magaalada Muqdisho ayuu ku socday, kaddibna wuxuu u soo gudbi lahaa Mombasa, laakiinse wuxuu ku  caariyay meel qiyaastii 70-KM u jirta Muqdisho,” ayuu yiri Mwangura.

Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay inay la degeen gabi ahaan alaabihiii markabkaasi uu siday iyo shaqaalihii saarnaa, isagoo aan sheegin halka ay la aadeen iyo xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalaha.

“Waxaan xaqiijinnay in Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalihii markabkan oo u dhashay dalka Kenya oo kala ah; naaquudihii iyo injineerkii markabka ay durba ku dhawaaqday Al-shabaab inay lacago madaxfurasho ah ku donayso,” ayuu  Andrew ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, Muwangura wuxuu xusay in markabka ay la socdaan shaqaale Shiinaha u dhashay, kuwaasoo aanu sheegin tiradooda, lagana dajiyay markabka, laakiin ma uusan sheegin halka lagu hayo.

Deegaanka uu markabku ku caariyay oo ka tirsan Raage-ceelle ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo aysan eedeyntan weli ka hadlin Al-shabaab, wuxuuna noqonayaa markabkan kii labaad oo Kenya ku socoday oo ku caariya xeebaha dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya