4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 12, 2014
Bac-madow waxyaabaha qaraxa lagu qariya oo lagu qabtay Degmada Jowhar

Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Ciidamada Amniga ee degmada Jowhar ayaa xalay gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo lagu qariyay bac-madow, taasoo lasoo dhigay bartamaha Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa ciidamada Amniga ku wargaliyay inay bacda uga shakiyeen in waxyaabaha Qarxa lagu soo dhax-riday, taasoo keentay in ciidamada Amnigu ay ku guuleystaan inay waxyaabahaas qarxa meesha ka qaadaan iyadoo aan qarxin.

“Bac-madowda waxaa lasoo dhigay bartamaha magaalada gaar ahaan mele ay aad ugu badan yihiin shacabka, nasiib-wanaag ma aysan qarxin, waxaana goobtaas ka qaaday ciidamada Amniga degmada,” ayuu yiri Nuur Muuse oo ka mid ah dadka ku nool degmada Jowhar.

Ma jiro illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu qariyay bacda ee la dhigay bartamaha magaalada, iyadoo goobta la dhigay ay ku yaallaan fariisimo ay inta badan fariistaan ciidamada dowladda Soomaalida ee degmadaas ku sugan.

Sidoo kale, ciidamada Amniga Jowhar ayaa intaa ka dib baaritaanno ka sameeyay degmada, kuwaasoo lagu soo warramayo in dhallinyaro fara badan lagu soo qab-qabtay, si su’aalo looga weydiiyo qaraxan la qabtay.

Degmada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay dowladda Somalia ka  taliso ee ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, waana markii ugu horreysay oo lagu soo qariyay bac lagu qaro tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadaan.

Al-shabaab ayaa horay ugu gooddisay inay qaraxyo iyo weerarro kaleba ka geysan doonto deegaannada ay dowladdu ka taliso, kuwaasoo ay ku jirto Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya