4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Xukuumadda oo dhawaan soo bandhigaysa tiro-koobka dadka Soomaaliyeed

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Wasiirka qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Siciid C/llaahi Dani ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigayaan tiro-koobka hordhaca ah ee dadka Soomaaliyeed, kaasoo noqon doona kii ugu horreeyay oo lasoo bandhigo muddo 30-sano ah.

Saciid Dani oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in wasaaradda ay tiro-koob ku sameeysay dadka Soomaaliyeed, iyadoo adeegsanaysa farsamooyin kala duwan, wuxuuna xusay in tirada ay soo bandhigayaan ay noqon doonto mid hordhac ah oo aad u wanaagsan.

“Markaan muddo ka fikiraynay sidii lagu heli lahaa tira-koobka rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa arrintan la kaashannay hay’adaha ku shaqada leh ee Qaramada Midoobay, wax badan ayaana noo suuro-galay, tiro-koob hordhac ah ayaana helnay, waxaana socda dib u habeyntiisii ugu dambeysay, bil kaddibn waan soo bandhigi doonnaa,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusy in tiro-koobkan uu sahli doono in lagu fuliyo qorshe kasta oo la doonayo in dalka laga hirgeliyo sida doorashada 2016-ka ka dhici doonta dalka, afti u qaadidda dastuurka iyo wixii la mid ah.

Dani ayaa sheegay in tirakoobkan ay ku sameeyeen qaabab kala duwan, qaar ayuu sheegay inay sameeyeen shaqaale arrintaas loo saaray, halka kuwo kalena lagu sameeyo dayax-gacmeedyo, waxaana hunaa buu yiri in tiro-koobkan uu yahay mid si wanaagsan u dhacay.

“Tiro-koobkan waxaan ku saleyn doonnaa dadka magaalada deggen iyo kuwa miyiga deggen, innagoo goobaha aanan gaari karin kaga qaadnay tiro-koobka hab casri ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Siciid Dani.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu xusay in tirakoobkan uu noqon doono midkii ugu horreeyay oo Soomaaliya laga sameeyo muddo 30-sano ah, ayna rajadu tahay inay ku guuleystaan inay shcabka u soo bandhigaan tiradooda guud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya