4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Kooxo Al-shabaab ka tirsan oo xalay dilal iyo dhaawac ka geystay Baydhabo

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa lagu dilay askari booliis ah mid kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii ay soo weerareen kooxo hubeysn oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Askartan ayaa waxay ka mid ahaayeen ciidammo booliis ah oo ilaalo ahaan ku marayay Suuq Mursal oo ku yaalla xaafadda horseed, iyadoo kooxihii ka dmbeeyay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen.

Isla xalay ayaa magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay haweeney 60 jir ah, iyadoo dableydii dishay ay ugu galeen gurigeeda oo ku yaalla Suuqa Xoolaha ee Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u dileen.

Ciidamada Amniga Baydhabo ayaa ayaa magaalada ka wada maanta baaris ay ku raadinayaa kooxihii xalay dilalka iyo dhaawaca ka geystay Baydhabo, kuwaasoo ka tirsan xoogagga ururka Al-shabaab.

Maalmahan ayaa waxaa degmada Baydhabo ka taagnaa khilaaf soo dhex-galay maamulka degmada, iyagoo isku haysta canshuurta laga qaado dadka ku nool degmada Baydhabo.

Golaha guuratida Baydhabo iyo maamul-gobaleedka Koonfur Galbeed ee lixda gobol ayaa dhankooda u fadhiya sidii wax looga bedeli lahaa maamulka  degmada Baydhabo; iyagoo hadda wadatashi kala leh arrintaan bulshada ku nool Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo