4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobollada Dhexe oo Warsaxaaafadeed soo saaray

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Iyadoo bishii hore shanteedii Hoteelka City Palace lagu soo gaba-gabeeyay shir-wayniihii guddiga dib u heeshiisiinta gobollada dhexe oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin, waxgarad, dhallinyaro, haweenka iyo qurba-joog kasoo jeedda gobollada dhexe ee dalka.

Shirwaynahan waxaa lagu magacaabay 31-xubnood iyo guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta gobollada dhexe, sida uu warsaxaafadeedka ku sheegay Imaam Bashiir Salaad Yuusuf (Dhoola-yare), iyadoo guddigan uu diyaarin doono shir-waynaha dib-u-heshiinta iyo wada-tashiga beelaha Habargidir oo ka dhici doona magaalada Cadaaddo ee gobolka Galguduud.

Guddigu wuxuu sameystay qaab dhismeen, wuxuuna iska dhex-doortay guddoomiye, afar guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo mid kastaa yahay madax guddi hoosaad.

Qaab dhismeedka guddiga ayaa ah sidan:

1. Mahamed Mahamuud Shirwac =        Gudoomiye.
2. Xasan Keynaan Xalane:         = ku xigeen Dhaqaalaha iyo qorshaynta.
3. Maxamed Cumar Jimcaale (Saylici) = Ku-xigeen Amniga iyo Martigalinta.
4. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) = Ku-xigeen xiriirka guud.
5. Maxamed Mire Cumar  = ku-xigeen wacyi-galinta, hidaha iyo dhaqanka.
6. Abshir Cabdi Sheekhoow   =  Madaxa Xoghayn.

Sidoo kale, guddigu wuxuu go’aan ku gaaray inuu si toos ah ula shaqeeyo gudoomiyaha guddiga dib-u-heshiinsiinta gobolada dhexe, Imaam Bashiir Salaad Yuusuf( Dhoollayare).

Gudigu wuxuu magacowday guddi farsamo iyo la-talin oo shan xubnood ah.

1- Cismaan Maxamed Cali (Cismaan-dheere).
2- Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud).
3- Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
4- Cabdi Abshir Dhoorre.

Qaab-dhismeedka guddiyada kaddib waxaa u qabsoomay hawlo fara badan oo ay ka mid yihiin in guddigu u si toos ah u galay hawshiisii uuna kulamo la yeeshay bulshda qaybaheeda kala duwan.

Guddigu waxay direen guddi horudhac ah oo xaqiijiya in shirku ka dhici karo dagmada Cadaado, kuwasoo kulammo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.

Guddigu waxay dib u dhigeen waqtigii hore ee shirka loo qabtay oo ahayd 05-tii bishan July, 2014; kaddib markii codsiyo uga yimaadeen bushada ku nool gudaha iyo dibadda, maadaama lagu jiro bishii Ramadaan. Waxaana la qorsheeyay in shirku ka dhaco Cadaaddo 05-08-2014, haddii Alle idmo.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirkaas iyo sidii uu u noqon lahaa mid mira-dhala, isla markaana ay taageeraan go’aannada kasoo baxa shirkaas.

Gudigu wuxuu si gaara ugu baaqayaa bulshada shirku sida gaar ahaaeed u khuseeyo ee gudaha iyo dibadda ku nool inay si buuxda uga qayb-qaataan inuu guuleysto shirka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada.

Intaa kaddib guddigu wuuxu furay akoonno u khaas ah shirwaynahaas si ay ugu soo dhacdo taakuleynta, waxayna kala yihiin: (1) DAHABSHIIL BANK- A/C-NO: 0023880. (2) SALAAMA BANK- A/C- NO: 30295987. Wixii faah-faahina waxaad kala soo xirii kartaa: Tel: +25261-5544991 ama +2561-6750805.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya