4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Weerar kale oo Maanta lagu qaaday Lamu & Amniga Kenya oo laga dayrinayo

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday maanta galinkii hore xaafad ka tirsan magaalo xeebeedka Lamu sida laga soo xigtay masuuliyiin dowladda ah oo soo  gaaray goobta weerarka kaddib.

Waxaa la  sheegay in weerarkan ay fuliyeen 10-ruux oo aad u hubaysanaa, iyadoo ciidamo ka tirsan millitariga Kenya  la geeyay  xaafadda Pandanguo oo ah halka la weeraray, isla markaana 40km u jirta Mpeketoni.

Hay;adda bisha cas ee Kenya ayaa tilmaamtay in ilaa iyo hadda aysan ka war-haynin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan, waxaana dadka ku nool Lamu iyo agagaarkeeda ay bilaabeen in ay isaga baxaan ,iyaga oo ka cabsi qabo weerarro hor leh.

“Kooxo aad u hubaysan ayaa yimid halkan  abaaro 01:00-duhurnimo ee maanta  ,hubka ayeyna kala wareegeen xarumo uu boolisku ku sugnaa,“ ayuu yiri Kaviha Charo Karisa oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay AFP.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarro goos-goos ah oo maalmihii ugu danbeyey  ka dhacayay tuulooyin muhiim ah oo ku yaalla dalkaas, waxaana dowladda Kenya lagu eedaynayaa wax ka qabasha la’aanta arimaha amni xumida oo sii kordhayayay waayahan.

Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii ugu khasaaraha badnaa  oo ay ku naf waayeen 87-ruux ayaa marar kala duwan ugu baaqay dowladda  Kenya in ay ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]