4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Midawga Yurub oo $3.8-Milyan ku bixiyay Badbaadinta Carruurta Soomaaliya

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Yurub, waaxdiisa bani’aadamnimada iyo dhowridda shacabka ee ECHO ayaa ku bixisay lacag deeq ah oo dhan $3.8 milyan si looga hortago heerka dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrida iyo shubanka.

Deeqdan lacageed ayaa lagu wareejiyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF si ay ugu fuliso howshan, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo horay ay hay’addu uga digtay khataro nafaqo-darro ah oo haysta carruurta Somalia.

"Soomaaliya waxaa haysata mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadamnimo ee caalamka ugu xun," ayay ytri madaxa ECHO ee Soomaaliya, Mira Gratier. "Xaaladda nafaqo-darridu sare ayay u sii kacaysaa, taasoo saamaynaysa carruurta aadka u da’yar. Waa waajib, haddaanu nahay deeq-bixiyaha inaan sida ugu dhaqsiyaha badan gacan u siino dadka ugu nugul sida caruurta."

UNICEF ayaa carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano iyo dadka ay saameynta adag ku yeesheen xaaladda nafaqo-darrida ah kaalmeyn doonta, iyadoo ku iib doonta lacagta deeqda ah ee Midowga Yurub cunnada nafaqeysan ee diyaarka ah; taasoo lagu quudin doono 20,000 oo carruur ah oo xaalado nafaqo-darro ay haystaan.

Sidoo kale, waxa lacagtaasi ay kor u qaadi doontaa helitaanka cuntada iyo agabyada kale ee muhiimka ah, si caruurta aadka u daran dhaqso loogu caawiyo, gaar ahaan kuwa nool deegaannada ay biyo la’aanta iyo abaaruhu ka jiraan.

"Bixinta adeegga nafta badbaadinta ah, gaar ahaan carruurta da'doodu shan sano ka yar tahay wuxuu aasaas u ahaan doonaa gurmadka deg-degga ah ee UNICEF ay bixinayso, taasoo kaalin weyn ka ciyaari doontaa badbaadinta nolasha kumannaan caruuur Soomaliyeed ah," ayuu yiri wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sikander Khan.

Arrintan ayaa kusoo beegmays iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay soo saarayeen xilliyadii ugu dambeeyay warbixinno ay kaga digayaan inay ka dillaacdo Soomaaliya macluul la mid ah tii ku dhufatay sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya