4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Qareennada Kenyatta oo Weydiistay ICC in ay Joojiso Dacwooyinka Kenyatta

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Qareennada madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mar kale ka dalbaday maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay joojiso dacwadda la xiriirta bani’aadamnimada ee Kenyatta loo haysto.

"Waxan gaarnay heer ayan jirin wax caddeymo ah oo ku filan dacwadda loo haysto Kenyatta,” ayuu Steven Kay oo ah qareenka u doodaya Kenyatta, isagoo hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa xarunta maxakamaddu ay ku taallo ee The Hague. Isagoo intaas ku daray. "Waxaan ka codsanayaa ICC in ay joojiso dacwaddan oo dhan."

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dacwad la xiriirta kaalintiisii ay ku lahaayeen rabshadihii dadka badani ku dhinteen ee ka dhashay doorashdii madaxnimo ee dalka Kenya ka dhacday sannadkii 2007-kii.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa kulan ay Arbacadii ku yeesheen The Hague waxay kaga hadleen dib u dhaca ku yimid maxkamadeynta Kenyatta oo dhowr jeer dib u dhacday, balse waxay go’aamiyeen inay billaabanayso 07-da bisha Oktoobar ee soo socota.

Sidoo kale, Qareennada u doodaya Uhuru Kenyatta ayaa dhowr jeer oo hore weydiistay in dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Kenya la joojiiyo, balse maxkamaddu way diiday, iyadoo ku adkeysatay inay sii socon doonto maxkamadeyntiisa.

Dib u dhicii ugu dambeeyay ee ku yimid maxkamadeynta Kenyatta ayaa ka dhalatay kaddib markii ay garsoorayaashu dalbadeen in waqti dheeraad ah ay u helaan warbixinno la xiriira dacwadda Kenyatta loo haysto. Waxayna ku dhaqaaqeen inay xisaabiyaan hantida uu leeyahay; sida shirkadda, lacagaha u yaalla bankiyada, dhulka uu leeyahay iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Benjamin Gumpert oo ka mid ah xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadda ICC ayaa ka sheegay kulanka in guddiga baarista aysan helin xogihii loo baahnaa sida cadadka lacagaha bankiyada u yaalla Kenyatta.

Qareenka guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa difaacay xukuumadda isagoo sheegay in si daacadnimo ah loo gudbiyay dhammaan dukumiintiyadii laga dalbay inay dowladdu soo gudbiso.

Ugu dmbeyn, Fergal Gaynor oo ah qareen wakiilka ka ah dhibanayaashii ku waxyeelloobay rabshadihii Kenya ka dhacay ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay si ula kac ah u carqaladeynayso dacwadda ka dhanka ah Kenyatta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya