4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2014
Ciidanka dowlada oo howlgal khasaare dhaliyay ka sameeyay Suuqa Xoolaha

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka sameeyay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa howlgal keentay inuu hal qof geeriyoodo mid kalena dhaawacmo, iyadoo howlgalladaas lagu qab-qabtay tiro dad ah.

Howlgalladan oo ahaa kuwo qayb ka ah sugidda ammaanka Muqdisho sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxay ciidamadu xalay oo dhan ka sameynayeen xaafadda Suuqa Xoolaha oo ah goob ay inta badan howlgallo ka fuliyaan xoogagga Al-shabaab.

“Ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM waxaa xalay xaafaddeena soo galay, waxay ku sameeyeen baaritaanno guri-guri ah, iyagoo la baxayay dhallinta ay uga shakiyaan inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin,” ayuu yiri goobjooge ka mid ah dadka deggen xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in hakad la geliyay isku socodkii dadka iyo gaadiidka xaafaddaas, mararka qaarkoodna la maqlayay rasaas xooggan oo ay is-dhaafsanayeen kooxo hubeysan iyo ciidamada baarista waday.

“Hal qof ayaa baaritaankii xalay ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, labaduba waxay ahaayeen rayid, mana jiraan khasaare intaas ka badan oo aan arkay,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo ku sheegtay magaceeda Nuur Cali.

Xaaladda xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa saaka deggen iyadoo ay dib u furmeen isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ciidamadii baaritaanka waday ay saakay aroortii isaga baxeen.

Qaar ka mid ah saraakiishii hoggaaminayay howlgalladan ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay ammaanka ayna kusoo qabqabteen tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, balse lagu kala saari doono baaritaano.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciddii aan dambi yeelan la sii dayn doono, balse kuwa tuhunka xooggan uu galo baaritaan kale lagu celin doono ciddii dambi yeelatana sharciga la hor-geyn doono.

Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay ku xooggan yihiin xoogagga Al-shabaab ee howlgallada ka fuliya gobolka Banaadir, iyadoo xilliyada habeenkii ah aan lagu arkin xaafaddaas askarta dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya