Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo loo Magacaabay Dajiraha Mareykanka


Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Mareykanka ayaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Washington kula kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Kulanka madaxweynaha Mareykanka iyo danjiraha Somalia ee Mareykanka ayaa ka dhici doona Aqalka Cad, iyadoo kulanka ay kala qaybgeli doonto xaaskiisa.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay danjire rasmi ah u magacowdo dalka Mareyanka muddo laga joogo 25-sano, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya.

Dajiraha Mareykanku u soo magacaabayo Somalia ayaa wuxuu ka howlgeli doonaan Muqdisho, iyadoo tallabooyinka ay Mareykanka iyo Soomaliya isku dhaafsanayaan danjirayaasha ay muujinayso in xiriirka u dhexeeya labada dal uu sii adkaanayo, iyadoo la xusuusto in Mareykanka uu ahaa dowladdii ugu horreysay oo dowladda federaalka Somalia u aqoosanta dowlad buuxda.

Inkstoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin weli magacaabidda danjiraha cusub ee u fariisan doona Mareykanka, Cumar C/rashiid ayaa haddana HOL waxaa u xaqiijiyay warkan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli la filayo in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga qaybgalo dalka Mareykanka bisha soo socota ee Ogoosto shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhici doona magaalada Washington.

Mareykanka oo dhawaan shaaciyay inay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka gacan siiyaan soo celinta ammaanka iyo kala-dambeynta.

Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa soo noqday ra'iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, isagoo xilka uga dagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii uu ra'iisul wasaaraha ka ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Wasiirka qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Siciid C/llaahi Dani ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigayaan tiro-koobka hordhaca ah ee dadka Soomaaliyeed, kaasoo noqon doona kii ugu horreeyay oo lasoo bandhigo muddo 30-sano ah.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa lagu dilay askari booliis ah mid kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii ay soo weerareen kooxo hubeysn oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Iyadoo bishii hore shanteedii Hoteelka City Palace lagu soo gaba-gabeeyay shir-wayniihii guddiga dib u heeshiisiinta gobollada dhexe oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin, waxgarad, dhallinyaro, haweenka iyo qurba-joog kasoo jeedda gobollada dhexe ee dalka.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday maanta galinkii hore xaafad ka tirsan magaalo xeebeedka Lamu sida laga soo xigtay masuuliyiin dowladda ah oo soo gaaray goobta weerarka kaddib.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Yurub, waaxdiisa bani’aadamnimada iyo dhowridda shacabka ee ECHO ayaa ku bixisay lacag deeq ah oo dhan $3.8 milyan si looga hortago heerka dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrida iyo shubanka.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Qareennada madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mar kale ka dalbaday maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay joojiso dacwadda la xiriirta bani’aadamnimada ee Kenyatta loo haysto.

Jimco, July 11, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka sameeyay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa howlgal keentay inuu hal qof geeriyoodo mid kalena dhaawacmo, iyadoo howlgalladaas lagu qab-qabtay tiro dad ah.

Somali News

7/11/2014 4:20 PM EST
LeBron James will play for the Cleveland Cavaliers next season. The biggest prize of this year’s free agents announced in a statement at Sports Illustrated that he will return to the team where he played the first seven years of his career.

7/11/2014 4:04 PM EST
Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia has named former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake as the new Somali Ambassador to the United States of America. The U.S government welcomed his appointment.

7/11/2014 7:31 AM EST
newsinside At least 15 people were killed Thursday in fighting between rival clans in central Somalia officials and residents said.

7/11/2014 7:20 AM EST
London, UK (HOL) - It was one of the most shocking and heart wrenching moments for those in the Diaspora who had high hopes for their war torn nation’s revival as a viable state after over 23 years of civil war with the support of the international community.

7/11/2014 5:53 AM EST
THE Kenyan passport is the fifth most powerful travel document in Africa, an infographic by Rosie Spinks and published on Good Magazine website shows. Kenya ties in the position with Namibia, Lesotho and Gambia.

7/11/2014 5:51 AM EST
The Danish government has issued a formal request to to Somaliland authorities to hand over a citizen suspected of a murder on Danish soil.

7/11/2014 5:41 AM EST
Nairobi - Unidentified gunmen raided a village near Kenya's restive coastal town of Lamu early on Friday, Kenyan officials said, the latest in a string of attacks in the region.

7/11/2014 5:08 AM EST
A Minneapolis mailbox center is no longer at the center of voter-fraud allegations in a contentious race for a Minnesota House seat — but the controversy has stirred anger in local Democratic circles and shaken up the city’s Somali community.

7/11/2014 5:04 AM EST
Refugees in Nairobi are appealing against a controversial ruling that would force thousands of Somalis from their homes to live in squalid overcrowded camps in north Kenya, Amnesty International said today.

7/11/2014 4:50 AM EST
The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) deplored the attack which occurred on the evening of July 8, 2014 in Somalia on the presidential palace in Mogadishu which it said was repulsed by the gallant members of the Armed Forces of the Federal Republic of Somalia and the African Union Peace Keepers.

7/11/2014 4:48 AM EST
MOMBASA (Xinhua) -- A Kenya-owned ship is stranded north of Mogadishu in the Indian Ocean because of mechanical problem, a regional maritime official confirmed on Thursday.

7/11/2014 3:08 AM EST
German Interior Minister Thomas de Maiziere wants to combat the causes of refugee flight.

7/11/2014 1:18 AM EST
The United States (US) government has ruled out a military intervention on the continent to combat the increased terror threat.
Click here