4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
DANJIRE KAY: “Soomaalidu waa in ay gacan ka Geystaan Xasilinta Dalkooda”


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan ciidamada ammaanka dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Danjire Kay wuxuu xusay in Soomaalida oo dhan looga baahan yahay inay qayb ka qaataan sidii ammaan iyo deggenaasho loogu soo rogi lahaa dalka, ayna ka fogaadaan inay gacan siiyaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

“Ciidamada ammaanku waxay u baahan yihiin in shacabku ay gacan weyn ka geystaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, loolana dagaalami lahaa cid walba oo nabadda iyo dowladnimada aan ogoleyn,” ayuu ku yiri Kay war uu xafiiskiisa kasoo saaray.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay kaalintii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay AMISOM ka qaateen ka hortagga weerarkii ay Al-shabaab habeen ka hor ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

“Weerarkaas wuxuu ahaa mid nasiib-darro ah oo lagu doonayay in carqalad lagu geliyo horumarka iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso dowladda iyo shacabka Somalia si loo adkeeyo nabadgalyada dalka, laguna soo celiyo Soomaaliya deggenaasho iyo ammaan buuxa.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli habeen ka hor ay Al-shabaab weerar saacado badan qaatay ku qaaday xarunta madaxtooyada Somalia, halkaas oo ay kula dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka haya dhismahaas.

Weerarkaas ayaa sababay in shaqada laga eryo taliyeyaashii nabad-sugidda iyo booliiska Soomaaliya, loona magacaabo mas’uuliyiin cusub, sidoo kalena ra’iisul wasaaruhu wuxuu magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, taasoo uu ku sheegay inuu yahay qorshe lagu adkeynayo ammaanka dalka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya