4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Mareykanka oo sheegay inuu Kenya ka caawinayo la-dagaalanka Al-shabaab


Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ku shaacisay inay dowladda Kenya ka caawinayso la dagaalanka argagaxisada, ka gadaal markii xoogagga Al-shabaab ay toddobaadyadii ugu dambeysya ka geysteen dalkaas weeraro sababay dhimashada dad ku dhow 95-qof.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa shir jaraa’id ku sheegtay inay ka caawinayso la-dagaalanka Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegtay inay weerarro is-daba-joog ah ka geysteen Kenya.

“Waxaan rajeynayaa inaan Kenya kala shaqeyn karno sidii xaaladda amni ee dalkooda loo adkeyn lahaa. Waxaana rajeynaynaa in Keenyaanku ay iyaguna gacan ka geysn doonaan la-dagaalanka argagxisada, waayo argagaxiso waa kuwo saameyn xooggan ku yeeshay shacabka Kenya,” ayay tiri Greenfield.

Sidoo kale, waxay sheegtay in dhimidda shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Kenya ay tahay mid KMG ah, taasoo sababtay xaaladaha ammaan ee ka jira dalka, taasoo aan doonayno bay tiri inaan diiradda saarno.

“Waxaan la leennahay iskaashi xoog leh hay’adaha Kenya eek u howlan la-dagaalanka argagaxisada, waayo dhibaatada Kenya ka dhacaysa waa kuwo ku baahay Kenya oo dhan bilihii lasoo dhaafay,” ayay hadalkeeda raacisay.

Kaaliyuhu waxay walaac ka muujisay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qabqanayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka waaweyn oo Nairobi ay ka mid tahay, kuwaasoo qaarkood lagu celiyay xeryaha qoxootiga kuwo kalena loo musaafuriyay Soomaaliya.

“Kenya waxay u ogolaataan marti-gelin dadka kasoo cararaya cadaadisyada ay kala kulmayaan dallakooda,” ayay hadalkeeda ku dartay, iyadoo xustay in xukuumaddeedu ay ka xun tahay howlgallada lagu beegsanayo Soomaalida.

Ugu dambeyn, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in Mareykanka ay ka joogan ciidammo yar oo caawinaya sidii loo dhisi lahaa awoodda ciidamada dowladda Somalia. Iyadoo intaas ku dartay inaysan ahayn ciidamadan kuwo qarsoodi ku jooga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya