4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2014
Qarax sababay dhaawacyo oo galabta ka dhacay garoon Kubada lagu ciyaaro

Khamiis, July 10, 2014 (HOL) — Baabuur lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay gellinkii dambe ee maanta meel ku dhow garoon kubada lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo shan qof uu kasoo gaaray dhaawac.

Qaraxan ayaa lagu xiray gaari ay uu lahaa sarkaal ka tirsan nabad-sugidda Qaranka, kaasoo isaga iyo rag la socday ay ka bad-baadeen qaraxa, kaddib markii ay gaariga ka dageen.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalka iyo raggii gaarigiisa la saarnaa ay daawanayeen ciyaar ka socotay garoonkaas, iyadoo gaarigu uu keligiis iska qarxay, iyadoo dadkii ciyaarta daawanayay ay goobta ka carareen.

Waxaa qaraxan ka hadlay guddoomiyaha degmada Shibis oo xilligii qaraxu dhacayay isku diyaarinayay inuu ciyaarta furo, waxaana garoonkaas lagu magacaabaa garoonka Maxfalka.

“Baabuurka waxaa saarnaa illaa afar qof, kuwaasoo mid ka mid ah uu kasoo gaaray qaraxa dhaawac fudud, balse kuwii kale way ka badbaadeen qaraxa, annagana goobta waa ku kala cararnay,” ayuu yiri qof goobta ku sugnaa oo warbaahinta la hadlay qaraxa kaddib.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ruux ka mid ah dadkii gaariga saarnaa uu dhaawac soo gaaray, halka qof kale oo ciyaarta daawanayay ay iyaguna ku dhaawacmeen qarxaas.

Garoonka kubadda cagta lagu ciyaarayay ayaa ku dhow xarunta degmada Shibis, halkaasoo galab walba lagu ciyaaro tartan kubadda cagta ah oo ka mid ah kuwa Ramadaanka la ciyaaro laguna bixiyo koob.

Qaraxan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa qaraxyo soo laalaabtay oo tan iyo markii ay bisha Ramadaan billaabatay ka dhacaya magaalada Muqdisho, mana jiro weli cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxii galabta oo shan qof ay ku dhaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya